Dagaalka Ukraine: Lix dhacdo oo laga yaabo in aad seegtay
KYIV, Ukraine – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay xaqiijisay ugu yaraan 240 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 64 caruur ah lagu dilay dagaalka ka socda Ukraine oo qarxay tan iyo markii Ruushku uu soo duulay.
Qaramada Midoobay ayaa hadalkaan sheegtay inkasta oo la rumaysan yahay in "khasaaraha dhabta ah ay aad uga badan yihiin" sababtoo ah warar badan oo ku saabsan waxyeellada dagaalka ayaa weli soo ifbixin maadaama dagaalka uu wali sii socdo.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA) oo xiganaysa warbixin uu soo gudbiyay xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay dajinayso habraacyo adag oo lagu xaqiijinayo khasaaraha ka dhashay iskahorimaadyada.
OCHA ayaa sidoo kale sheegtay in burburka soo gaaray kaabayaasha rayidka uu ku sababay boqollaal kun oo qof in ay heli waayaan koronto ama biyo, waxayna soo saartay khariidad ah "xaaladaha bini'aadantinimo" ee Ukraine - inta badan waqooyiga, bariga iyo koonfurta Ukraine ayaa dhibaato xooggan ka jirta sida ka muuqata warbixinta.
Wararka ugu waawayn ee xiisada.
- Gantaallo ayaa lagu garaacay xarunta saliidda ee magaalada Vasylkiv ee u dhow Kyiv, dadka ku nool caasimadda ayaa magan u raadsaday iyadoo ay socdaan horumarka ciidamada Ruushka.
- Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini'aadantinimada ayaa sheegtay in 240 qof oo rayid ah ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan 64 caruur ah lagu dilay dagaalka Ukraine oo qarxay tan iyo markii Ruushku uu soo duulay.
- Xulafada reer galbeedka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn dheeri ah oo lagu soo rogay Ruushka, oo ay ku jirto in tiro ka mid ah bangiyada Ruushka laga gooyo nidaamka lacag bixinta SWIFT.
- Wadamada reer galbeedka ayaa ballan qaaday in ay fududeynayaan gaarsiinta gargaarka milatari ee Ukraine.
- Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada waddanku "ay iska caabiyeen oo ay si guul leh uga hortageen weerarrada cadowga".
- In ka badan 150,000 oo reer Ukraine ah ayaa ka qaxay dalka tan iyo bilowgii weerarka Moscow, Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegtay.
Shirkad laga leeyahay dalka Ukraine oo qaabilsan dhismaha iyo dayactirka waddooyinka ayaa sheegtay inay meesha ka saartay dhammaan calamadaha waddooyinka ee ay isticmaali karaan ciidamada Ruushka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
"Cadowgu waxa uu haystaa isgaarsiin liidata, ma mari karaan dhulka," shirkadda Ukravtodor ayaa ku sheegtay qoraal ay ku daabacdey Facebook. "Aan ka caawino inay toos u galaan cadaabta".
Waxay dhejisay wadooyinka sawir la tafatiray oo aan wadan calaamadaha waddooyinka si aan loo aqoonsan magaalooyinka u dhow waxaana lagu beddelay qoraalo aflagaado ah oo ka dhan ah Ruushka.
GAROWE ONLINE