Dagaalka Ukraine oo laga cabsi qabo in uu qaato sanado

Image
Talaabadan ayaa haddii ay hirgasho noqon doonta mid walaac badan ku abuurta dunida.

WASHINGTON, USA - Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Mareykanka ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine uu u badan yahay inuu qaadan doono sannado badan, taasoo kor u qaadaysa walaaca ah in dunidu ay noqoto mid aan xasilloonayn iyo suurtagalnimada isku dhac caalami ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.

Guddoomiyaha Taliyeyaasha Wadajirka ah ee Shaqaalaha, General Mark Milley ayaa sheegay duulaanka Ruushka ee Ukraine in uu yahay "khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Yurub iyo guud ahaan adduunka.

General Milley oo la weydiiyey waxa ka hor istaagi kara weerarada Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu ku hayo Ukraine, ayaa waxa uu sheegay in qaabka kaliya ee suurtogalka ah ay tahay in ciidamada Mareykanka ay galaan gudaha Ukraine, taas oo sidoo kale uu sheegay in uusan marnaba kula talin doonin, sababa la xiriira in ay horseedi karto dagaal u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.

Ujeedada Ruushka ee dagaalka Ukraine ayuu ku tilmaamay mid fog oo soo noqnoqotay isagoo carabka ku dhuftay in ballanqaadkii ciidamada Mareykanka uu noqday mid aan u fulin sidii loogu talo galay.

Isaga oo arintan ka hadlayana waxuu yiri, “Daacad ahaan, sidan wayka gaaban tahay ballanqaadkii ciidamada Mareykanka ee Ukraine, ma hubo in Putin uu ahaa mid laga cabsado.”

Lloyd Austin oo ah Xoghaya Difaaca ayaa yiri, “Waa mid aan la aqbali karin dalabaadka Ruushka ee ah in Ukraine laga mamnuuco ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO iyo in la xaddido in NATO ay geyso ciidamadeeda iyo hubkeeda dhanka bari.”

Austin iyo Milley waxa ay xaqiijiyeen in Mareykanka uusan ku tababarin ciidamada Ukraine gudaha dalkaasi ama wadanka ay jaarka yihiin ee Poland balse ay ku tabarayeen meelo ka durugsan dalkooda oo uu ka mid yahay gudaha Mareykanka.

Mareykanku wuxuu sii wadaa inuu la hadlo Ukraine "maalin walba", ciidamada Ukraine-na waxay isticmaalaan gargaarka milatari ee Maraykenka, oo ay ku jiraan gantaalaha STINGER iyo JAVELIN, iyaga oo qayb weyn ka qaatay dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka, Austin ayaa intaas u sheegay sharci-dajiyeyaasha.

"Waxaan raadineynaa waxyaabo iyagana ka caawin kara dagaalka ay kula jiraan Ruushka, waxaadna aragteen inaan bilownay daabulitaanka qaar ka mid ah waxyaabahaas," ayuu yiri.

Marka laga soo tago tababarka ciidamada Ukraine, Mareykanka waxuu eegayaa habab uu tababaro ciidan oo dheeraad ah ugu fidinayo xulafada aan ka midka ahayn NATO sida Georgia iyo Finland, ayuu yiri Austin.

Milley ayaa u sheegay sharci-dajiyeyaasha in dalalka xiga dhanka bari ee ka mid ah isbaheysiga NATO, sida Poland iyo Romania, ay “aad u rabaan” in dalalkooda uga dhisaan Mareykanka saldhigyo ciidan oo joogto ah.

Miley ayaa sidoo kale sheegay in qarashaadka ku baxaya saldhigyada ciidan ay bixin doonaan dalalka Poland iyo Romania, Mareykankana looga baahan yahay Kaliyah in ay diyaariyaan ciidamadii dagi lahaa halkaas. Talaabadan ayaa haddii ay hirgasho noqon doonta mid walaac badan ku abuurta dalka Ruushka oo la ogsoon yahay in dalka Poland aysan aad uga fogeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM