Ruushka oo dul-sabbaynaya rajadda wadahadal

Image
Midowga Yurub ayaa diyaarinaya cunaqabateyn si gaar ah loogu beegsanayo Vladimir Putin.

BRUSSELS, Belgium - Wasiirka arrimaha dibadda Luxembourg ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ku dhow yahay in uu heshiis ka gaaro cunaqabateynta lagu beegsanayo madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, Sergey Lavrov.

"Waxaan u maleynayaa inaan aad ugu dhownahay heshiis," Jean Asselborn ayaa sidaas u sheegay suxufiyiinta mar uu soo gaaray kulan uu la yeeshay dhiggiisa Midowga Yurub xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Austria, Alexander Schalenberg, ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in tillaabooyin si toos ah loogu beegsanayo Putin iyo Lavrov si degdeg ah loo soo bandhigi doono.

Geesta kale, Putin ayaa diyaar u ah inuu wafdi u diro caasimadda Belarusia ee Minsk si uu wadahadal ula yeesho Ukraine, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sidaas yiri.

Peskov ayaa u sheegay wakaaladaha wararka ee Ruushka in tirada saraakiisha ay ka mid noqon karaan wakiilo ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda iyo difaaca ee dalka.

Hadaladiisa ayaa yimid ka dib markii la taliyaha hogaamiyaha Yukreen Zelenskyy uu soo jeediyay xukuumada Kyiv ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Moscow, oo ay ku jiraan qaadashada mawqif dhexdhexaad ah oo ku saabsan NATO.

Peskov ayaa hoosta ka xariiqay in hoos u dhigida ciidamadda Ruushka geeyay xuduudka iyo gudaha dalka Yukreen ay u baahan tahay inay noqoto qayb lama huraan ah oo taas ka mid ah.

Shabakadda TV-ga dowladda Shiinaha ee CCTV ayaa ku warantay in madaxweynaha dalkaas, Xi Jinping, uu Putin u sheegay in Beijing ay ku taageerto Moscow dadaallada lagu xallinayo dhibaatada Ukraine iyadoo loo marayo wadahadal.

Hogaamiyeyaasha ayaa wadahadalo ka yeeshay xaaladda oogan kadib wadahadalo khadka taleefoonka ah, sida uu sheegay CCTV. Illaa haatan, xukuumadda Moscow wax war ah kama soo saarin wadaxaajoodkan. Xiriiro ay saxaafadda caalama kala sameysay kama jawaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM