Dalal badan oo muwaadiniintooda faray in ay ka baxaan Ukraine

Image
Mareykanka ayaa hormuud u ah ololaha oo u muuqda mid cadaadis lagu saarayo Ruushka.

LONDON, UK - In ka badan 12 wadan ayaa ku booriyay muwaadiniintooda inay deg-deg uga baxaan Ukraine iyadoo ay digniino ka soo baxayaan quwadaha reer galbeedka oo ku aadan in duulaanka Ruushka uu halkaas kusoo wajahan yahay.

Mareykanka, UK iyo Jarmalka ayaa ka mid ah kuwa u sheegay muwaadiniintooda inay baxaan.

Wadamo badan, oo ay ku jiraan Australia, Italy, Israel, Netherlands iyo Japan ayaa sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay isaga baxaan Ukraine. Qaar ayaa sidoo kale ka saaray shaqaalihii diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda.

Moscow ayaa ciidamo lagu qiyaasay 100,000 oo askari ku ururisay xadka Ukraine balse way diiday in ay duulaan ku qaado.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Sabtidii sheegay in digniinaha duullaanka ay dhalin karaan argagax, taasoo uu ugu yeeray "saaxiibka ugu fiican ee cadawgeenna".

Aqalka Cad ayaa ka digay in duullaanku uu xilli kasta dhici karo, uuna ku billaaban karo duqeyn dhanka cirka ah. Ruushku waxa uu eedaymahan oo kale ku sifeeyey "mala-awaal daandaansi ah".

Shaqaalaha aan muhiimka ahayn ayaa lagu amray inay ka baxaan safaaradda Mareykanka ee ku taal caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaana la joojin doonaa adeegyada qunsuliyada laga bilaabo Axadda, in kasta oo "joogitaanka qunsuliyada yar" ay ku sii sugnaan doonto magaalada galbeedka ee Lviv "si ay wax uga qabato xaaladaha degdegga ah".

Ukraine ayaa noqotay furin cusub oo ay hadalo hawada isugu mariyaan Ruushka iyo quwadaha reer Galbeedka. Dedaalo caalami ah ayaa soconaya si loo baajiyo gacan ka hadal wallow ay tahay sheegasho ilaa hadda hal dhinac kaliya ka imaanaysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM