Dalalka lacagahooda badali doona kadib geerida Elizabeth II

Image
Sawirka boqoradda ayaa la filayaa in lagu beddelo kan King Charles III, laakiin ma noqon doonto isla markiiba.

LONDON, United Kingdom - Boqorad Elizabeth II ayaa sawirkeedu ku xardhanaa lacagaha 33 waddan oo ku yaala dunida daafadeeda si ay u xasuusiso saameynta gumeysiga ee Boqortooyada UK.

Boqortooyada Ingiriiska ruuxadeeda, Kanada, Australia, New Zealand iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa kamid ah kuwaasoo haatan ku qasbanaan doona in ay badalaan lacagtooda.

Sawirka boqoradda ayaa la filayaa in lagu beddelo kan King Charles III, laakiin ma noqon doonto isla markiiba. Sanado ayay qaadan doontaa in isbadalkan uu ka dhaco wadamadan.

Laakiin taasi macnaheedu maaha lacagahan aysan haatan shaqeyn doonin - way shaqeeyaan. Haddaba maxaa dhacaya kadib geerideeda boqoradda ee todobaadkan?

"Lacagaha hadda jira ee muujinaya sawirka boqoradda sharafta badan waxay sii ahaan doonan hindise sharci ah ahaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Bank of England.

Bangiga Kanada ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in lacag-bixinteeda hadda 20-ka dollar ah, oo ka samaysan polymer synthetic, loogu talagalay "inay wareegto sanadaha soo socda".

"Ma jirto wax shuruud ah oo sharci-dejin ah oo lagu beddelayo naqshadda muddada loo cayimay marka Boqortooyada ay isbedesho," ayuu Bank of Canada ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey.

Boqorad Elizabeth II waxay markii ugu horeysay ka soo muuqatay lacag markii ay weli amiirad ahayd. Taasi waxay ahayd 1935-kii, markii lacagta 20-ka doollar ee Kanada iyadda oo waliba siddeed jir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM