Ruushka iyo Iiraan oo iska fogeeyay eedeyn kaga timid Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Sheegashada Washinfton ee ah in Iran ay faragelineyso doorashooyinka soo aadan ee Mareykanka waa waxba kama jiraan iyo sheeko lagu wiiqayo kalsoonida cod-bixiyeyaasha, sidda ay shaacisay Tehran.

Dhanka kale, Ruushka ayaa dhinac isaga leexiyey eedeyntaas wuxuu ku qeexay mid salka ku haysa "been abuur olole siyaasadeed lagu doonayo".

Howlgalka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiista maanta ah wuxuu si furan isaga fogeeyay eedeyntaas oo kasoo yeertay madaxa hay'adda sirdoonka qaranka Mareykanka John Ratcliffe kaasoo shir jaraa'id qabtey.

Wakaaladda wararka u faafisa Iiraan ee IRNA ayaa tabisay in Washington ay abuureyso jawi ay ku dooneyso in ay waxyeeleyso sumcada Iran.

Ratcliffe ayaa wariyeyaasha u sheegay in Ruushka iyo Iiraan ay ku fekerayaan sidii ay u faragelin lahaayeen coddeyta dhaceysa laba todobaad kadib.

"Waxaan xaqiijinay in macluumaadka cod-bixiyeyaasha qaarkood ay heleen Iiraan iyo Ruushka," ayuu Ratcliffe intaas kusii daray. "Iiraan waxay isku dayeysaa in ay cabsi-geliso cod-bixiyeyaasha si ay u waxyeeleyso Donald Trump".

Trump ayaa wajahaya tartan adag oo uu kaga horjeedo John Biden kaasoo calanka u sidda xisbiga dimuqraadiga, halka isaga uu u lulayo Jamhuuriga.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si adag wuxuu ula dagaalamay dowladdo ay ku jirto Iiraan isagoo kusoo rogay xayiraadyo dhanka dhaqaalaha taasoo xiisada labada dal meel xun gaarsiisay kuna dhaweysay gacan ka hadal toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM