Danjire Mareykan ah oo xulafo dhow lahaa Donald Trump oo is-casilay

Image

WASHINGTON, US – Danjirihii Mareykanka u joogay Jarmalka Richard Grenell, kaas oo xulafo dhow la ahaa madaxweyne Donald Trump, ayaa xafiiska baneeyay kadib in ka badan laba sano oo jagadaas uu hayey.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa Talaadadii xaqiijiyey arrintaas, wallow uusan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta.

"Ambassador Grenell wuxuu ka tegay xilkaan iyo Waaxda Arrimaha Dibadda 1-dii bisham June," ayuu hadalkiisa kusoo koobay afhayeenka.

Robin Quinville, oo ahaa ku xigeenka madaxa howlgalka safaaradda, ayaa sii ahaan doona safiirka illaa iyo laga soo magacaabayo wakiilka cusub oo aan la ogeyn hadii Aqalka Cad ay soo xuli doonto.

Mudadii labada sano ahayd ee diblumaasiga uu ahaa, Grenell ayaa fagaareyaasha kusoo bandhigi jiray dhaliilaha uu u hayo xulafada Mareykanka iyo siyaasadda Jarmalka ee ku wajahan gaashaanbuurta NATO.

Wakaaladda wararka Jarmalka ee DPA ayaa bishii lasoo dhaafay warisay in Grenell uu is-casilayo kadib markii Senator Mareykan ah uu xaqiijiyey John Ratcliffe laga dhigay agaasimaha joogtada ah ee hay'adda DNI.

Bishii Febraayo ayaa la aaminsan yahay in 53-sano jirka Grenell oo xulafo dhow la ah Trump loo magacaabay agaasimaha joogtada ah ee DNI, oo ah Hay’adda Sirdoonka Mareykanka oo kamid ah kuwa awooda leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM