Colaada Ukraine: Daqiiqadaha muhiimka ah maalintii 3aad
MOSCOW, Russia – Dowladda Ruushka ayaa duulaan militari oo buuxa ku qaaday dalka Ukrain iyadoo madaxweyne Vladimir Putin uu ka dalbaday ciidamada Kyiv in ay dhigaan hubkooda.
Mareykanka, Midowga Yurub iyo xulafada reer galbeedka ayaa sare u qaaday cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka, iyagoo bartilmaameedsanaya bangiyada, warshadaha saliida, iyo dhoofinta qalabka militariga.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ballanqaaday inuusan is dhiibin oo uu sii wadi doono dagaalka uu ku difaacayo dalkiisa.
Wararka ugu waawayn maalinka 3aad ee dagaalka.
Sabti, Febraayo 26
Dagaalka Kyiv
Ciidamada Ruushka ayaa weerarro isugu jira gantaallo iyo madaafiic ku qaaday magaalooyinka Ukraine oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.
Korontada Kyiv
Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay xarunta Korontada ee Kyiv ee waqooyiga caasimadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax, iyadoo soo xiganeysa wasaaradda tamarta ee Ukraine.
Gantaal ku dhacay Taawarka Kyiv
Duqa magaalada Kyiv ayaa sheegay in gantaal uu ku dhacay guri dabaq ah, balse wax dhimasho iyo dhaawac ah lama soo sheegin isla markiiba.
Bandowga Kyiv
Duqa magaalada Kyiv ayaa kordhiyay bandowga caasimadda Ukraine.
'Waan joogaa': Zelenskyy
Madaxweyne Zelenskyy ayaa subaxnimadii sii daayay muuqaal laga soo duubay bartamaha Kyiv isagoo leh, "Waxaan halkaan u joogaa in aan is difaacno…
Weerarada gantaalada Cruise
Ruushku waxa uu sheegay in uu gantaalada Cruise-ka ku garaacayo warshadaha milatari ee Ukraine.
198 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay
Wasiirka caafimaadka ee Ukraine ayaa sheegay in 198 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ay ilaa hadda dileen ciidamada Ruushka.
Ciidamada Ruushka ayaa u dhow bartamaha magaalada Kyiv
Wasaaradda difaaca ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegtay in tirada ugu badan ee ciidamada Ruushka ee ku lug lahaa horusocodka Kyiv ay hadda 30km (19 mayl) u jiraan bartamaha magaalada.
Faransiiska oo qabtay markab Ruushku leeyahay
Ciidamada badda Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul oo sida baabuur ku wajahnaa magaalada Dekadda Baltic ee dalka Ruushka ee Saint Petersburg.
Gargaarka Mareykanka - $600m
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay heshiis uu ku bixinayo ilaa $600m oo ah "caawin militari oo degdeg ah" Ukraine.
100,000 oo Yukreeniyaan ah ayaa u tallaabay Poland
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Poland Pawel Szefernaker ayaa sheegay in 100,000 oo qof ay ka gudbeen xadka Poland.
Kremlin: Ha sheegin 'dagaal' ama 'duulaanka'
Ruushka ayaa ku amray warbaahintiisa in ay meesha ka saaraan wararka ku tilmaamaya weerarkooda "weerar, duulaan, ama ku dhawaaqid dagaal" ama waji la xannibay.
Ruushka ayaa ka jawaabay cunaqabataynta
Ruushka ayaa ka jawaabi doona cunaqabateynta isagoo la wareegaya dhaqaalaha ajaanibta iyo shirkadaha ajnabiga ah ee Ruushka, wakaalada wararka ee RIA ayaa soo xigatay Dmitry Medvedev, kuxigeenka madaxa amniga.
Macron wuxuu ka baqayaa dagaal dheer
Dunidu waa in ay ku dhiirato dagaal dheer oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, madaxweynaha Faransiiska ayaa ka digay, isagoo sheegay inuu yeelan doono "cawaaqib waara".
Poland ma la ciyaari doonto Ruushka
Poland waxa ay diiday in ay ciyaarta koobka aduunka 2022 kula ciyaarto Russia magaalada Moscow 24ka March sababtuna waa duulaanka Ruushka ee Ukraine,iyaga oo leh, "Waa waqtigii wax la qaban lahaa."
GAROWE ONLINE