Deeqa Dhalac oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka

Image
Waa haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali-Mareykan ah oo xil noocaan oo kale ku guuleysatay.

WASHINGTON, USA - Soomaaliya ayaa qarka u saarneyd dagaal sokeeye markii Deeqa Dhalac ay ka qaxday magaalada caasimadda u ah dalka ee Muqdisho 31 sano ka hor, waxayna billowday safarkeedii ay ku noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah oo duq magaalo ka noqda Ameerika, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Gelinkii dambe ee Isniinta ayay si rasmi ah ugu fadhiisatay kursiga ugu sareeya magaalada afraad ee weyn gobolka Maine. Talaabadii ugu dambeysay ee ay qaado wuxuu ahaa in ay telefoonka kula hadashay Axaddii hooyadeed oo weli ku nool Muqdisho.

Kadib saddex sano oo ay ahayd Xildhibaanka degmada 5aad, Dhalac waxaa galabnimadii Isniinta si rasmi ah u doortay lix xildhibaan oo ay saaxiibo yihiin si ay hogaanka u hayso illaa 2022-ka.

Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka, oo ah ururka ugu weyn ee xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta, ayaa ammaanay doorashada Dhalac "in ay astaan ​​u tahay kordhinta ka qaybgalka madaniga ah ee bulshada Muslimiinta Maraykanka," ayuu yiri afhayeenka Ibrahim Hooper.

"Waxaan rajeyneynaa in mayor Dhalac uu gacan ka geysto dhiirigelinta jiilka cusub ee Muslimiinta Mareykanka si ay u qaataan doorka sii kordhaya ee dhismaha bulsho wanaagsan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Shaqooyinka waa weyn ee horyaala waxaa kamid ah socodsiinta shirarka golaha iyo hogaaminta hindisaha magaalada oo dhan isla markaana lagu bixinayo $3,000 oo gunno-sannadeed ah oo xildhibaan kastaa helo.

Dhalac, oo 53 jir ah, waxa ay soo martay waddamo badan, waxana ay soo qaadatay waaya-aragnimo badan oo dhanka dhaqanka ah, shaqo iyo caqabado kala duwan si ay u gaadho halka ay maanta joogto.

Waxay ku soo kortay qoys dabaqad dhexe ah, ilmo dhexe oo ay laba walaalo yihiin. Aabaheed waxa uu ahaa Injineer batroolka oo shaqadiisa ku waayay waayo waxa uu si weyn u taageeray halgankii ay Soomaaliya xornimada uga qaadatay gumaystihii 1960-kii. Wuxuu noqday qandaraasle madax-bannaan oo la shaqeeya hay'ado aan dawliga ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo joojiyay safarrada qaxootiga horey loo oggolaaday inay degaan Mareykanka

Ka mid ah dadkaas waxaa ku jira in ka badan 1,600 oo Afgani ah oo loo oggolaaday inay u socdaan Mareykanka.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:22PM

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM