Dhulgariir xoogan oo ka dhacay daka Nepal

Image

Dhulgariir xooggan oo sababay qasaare nafeed iyo waxyeelo guryo ayaa ku dhuftay galbeedka Nepal.

Booliska ayaa sheegay in la xaqiijiyay dhimashada in ka badan shan boqol iyo lixdan. Dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa todobo dhibic hal, cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftay inta u dhexeysa caasimadda Kathamandu iyo magaalada Pokhara. Dhowr ruux ayaa ku dhimatay.

Wasiirka warfaafinta Nepal, Minendra Rijal, ayaa BBC-da u sheegay inay isku dayayaan sidii ay u cadeyn lahaayeen wararka waxyeelo badan oo ka dhacday bartanka dhulgariirka ee deeganada Gurha iyo Lumjung.

Dhismooyin badan oo ku yaala Kathmandu ayaa burburay waxaana ku jira minaarad la dhisay qarnigii 19-aad.

Raadiyaha Nepal ayaa uga digay dadka in ay dibadda u baxaan. Gariirka ayaa laga dareemay India iyo Pakistan.

Xigasho: BBC

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM