Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay xeebta koonfureed ee New Zealand

Image
Dhulgariirkii ugu dambeeyay ee dalkan ka dhacay ayaa sababay dhimashadda 185 qof.

LONDON, United Kingdom - Dhulgariir xooggan ayaa waxa uu ku dhuftay xeebta koonfureed ee dalka New Zealand 31-ka Maajo oo maanta ah, sida ay sheegtay hay'adda Sahanka Juquraafiga ee Mareykanka.

Sida laga soo xigtay wakaaladda Maraykanka, dhulgariir cabirkiisu yahay 6.2 ayaa ku dhuftay jasiiradaha Auckland, waxaana laga dareemay guud ahaan degaanada ku teedsan.

Wakaaladda la socodka Juquraafiga GeoNet ee New Zealand ayaa waxay intaas ku dartey in dhulgariirku uu cabirkiisu ahaa 6.0 taasoo ka duwan lambarka ay sheegtey dhigooda Mareykanka.

GeoNet ayaa xustey in xudunta dhul-ruxankan ay ahayd 450 kiiloomitir (279 mayl) oo ah koonfurta jasiiradda Stewart, una dhow aagga hoos-u-dhaca ee Puysegur.

Ma jirto digniin deg deg ah oo la xiriirta Sunaami ah ama khasaare laga soo sheegay meelaha ay dhibaatadu ka dhacday taasoo ka dhigan in aysan jirin khatar kale oo dheeraad ah

New Zealand ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku taallo dhul nooca u nugul musiibooyinka dabiiciga ah, waxayna la kulmaan dhowr dhulgariir sanad kasta.

Dhulgariirkii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay ayaa Christchurch ka dhacay 2011, waxaana cabirkiisu ahaa 7.1. Burbur baahsan oo ka dhacay Christchurch iyo nawaaxigeeda iyo geerida 185 qof ayaa ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM