Dhulgariir xooggan oo ku dhuftey xeebaha koonfureed ee Ecuador

Image
Waa musiibadii ugu xooganeyd ee ka dhacdey waddankan tan iyo sanadka markii uu ahaa 2016-dii.

QUITO, Ecuador - Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyoodey dhulgariir xooggan oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo dadka degaanka.

Dhismayaasha ayaa burburay dhowr magaalo kadib dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 6.7 kaasoo la sheegay in uu dhacay duhurnimadii xilliga maxaliga ah (17:00 GMT).

Gobolka El Oro ee koofurta dalka ayaa dhibaatada ugu daran ay ka dhacday, iyadoo hay’adaha gargaarka degdega ah ay sheegeen in dadka ay weli ku xayiran yihiin guryaha dumay.

Kow iyo toban dhimasho ayaa ka dhacay El Oro iyo mid ka dhacay gobolka Azuay, sidda ay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay mas'uuliyiin iyo illo dhanka caafimaadka ah.

Macala iyo Cuenca ayaa ka mid ahaa magaalooyinka uu soo gaaray burburka dhismayaasha iyo gaadiidka ugu daran, iyadoo kooxaha gurmadka ay u gurmadeen dadka.

Xuddunta musiibadan ayaa ku dhow Balao, oo qiyaastii 50 mayl (80km) u jirta magaalada labaad ee ugu weyn Ecuador, Guayaquil, halkaasoo ay ku nool yihiin ilaa saddex milyan oo qof.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin ayaa waxay sheegayaan in dhulgariirkan laga dareemay dhowr magaalo oo kale, sida Manabi, Manta iyo caasimadda Quito.

Waa dhulgariirkii ugu xooganaa ee ku dhuftey Ecuador tan iyo sanadka markii uu ahaa 2016, markaasoo ku dhawaad ​​700 oo qof ay ku dhinteen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM