Dhulgariir xooggan oo ku dhuftey xeebaha koonfureed ee Ecuador

Image
Waa musiibadii ugu xooganeyd ee ka dhacdey waddankan tan iyo sanadka markii uu ahaa 2016-dii.

QUITO, Ecuador - Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyoodey dhulgariir xooggan oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo dadka degaanka.

Dhismayaasha ayaa burburay dhowr magaalo kadib dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 6.7 kaasoo la sheegay in uu dhacay duhurnimadii xilliga maxaliga ah (17:00 GMT).

Gobolka El Oro ee koofurta dalka ayaa dhibaatada ugu daran ay ka dhacday, iyadoo hay’adaha gargaarka degdega ah ay sheegeen in dadka ay weli ku xayiran yihiin guryaha dumay.

Kow iyo toban dhimasho ayaa ka dhacay El Oro iyo mid ka dhacay gobolka Azuay, sidda ay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay mas'uuliyiin iyo illo dhanka caafimaadka ah.

Macala iyo Cuenca ayaa ka mid ahaa magaalooyinka uu soo gaaray burburka dhismayaasha iyo gaadiidka ugu daran, iyadoo kooxaha gurmadka ay u gurmadeen dadka.

Xuddunta musiibadan ayaa ku dhow Balao, oo qiyaastii 50 mayl (80km) u jirta magaalada labaad ee ugu weyn Ecuador, Guayaquil, halkaasoo ay ku nool yihiin ilaa saddex milyan oo qof.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin ayaa waxay sheegayaan in dhulgariirkan laga dareemay dhowr magaalo oo kale, sida Manabi, Manta iyo caasimadda Quito.

Waa dhulgariirkii ugu xooganaa ee ku dhuftey Ecuador tan iyo sanadka markii uu ahaa 2016, markaasoo ku dhawaad ​​700 oo qof ay ku dhinteen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM