Dibadbaxyo hareeyay dalka Tuuniisiya

Image
Image
Image

Ra'iisul Wasaaraha waddanka Tuuniisiya, Yuusuf Shaahid, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay saameeyay ku dhawaad 20 magaalo oo waddankaasi ku yaal.

Waxa uu dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qalalaase salka ku haya oo aanan la aqbali karin, waxa uu sheegay in kuwo qaswadayaal ah ay isku dayayaan inay curyaamiyaan qaranka.

Magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo magaalada u dhaw ee Dhabirbah halkaas oo Isniintii uu ku dhintay qof dibadbax sameynayay, ayaa waxa ay dibadbaxyo ka dhacayeen habeenkii saddexaad oo xiriir ah booliskuna waxa ay dadkaasi la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dibadbaxyada cusub ee habeenkii la qabtay ayaa ka dhacay oo kaliya magaalooyinka Tuunis iyo Dhabirbah hasayeeshee magaalooyin kale ayaa waxa ay dadku gubeen taayiro sidoo kalana waxa ay tuurayeen bambooyin batrool laga sameeyay.

Mas'uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray.

Ra'iisul wasaaraha ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay isticmaalayaan carruur si ay wax u xadaan oo ay u boobaan.

Dhanka kale Riim Maxjuub oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waddankaasi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ay mudaharaadyada sharciga ah u isticmaalayaan inay ku gaystaan falal dambiyeed.

Qaar ka mid ah dadka dibadbaxayay ayaa sheegay in aanayba u suuroobayn inay mushaarkooda ku noolaadaan maadaama qiimaha cuntada, shidaalka iyo alaabaha kalaba ay sare u kaceen.

Iyadoo ay sii kordhayso carada dadweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa in Jimcaha la qabto isu soo baxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska.

Tuuniisiya ayaa udub dhexaad u aheyd dibadbaxyadii ku caan baxay Gu'gii Carabta kuwaas oo todoba sanno ka hor halkaasi ka bilowday, waana dalka kaliya ee guul dimuqraadiyadeed gaaray dibadbaxyada kaddib, hasayeeshee dhibaatooyinka dhaqaale gaar ahaan sare u kaca qiimaha nolosha iyo kororka canshuuraha ayaa ah kuwo xooggan.

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM