​Diblomaasi sare oo lagu dilay Pakistan

Image

Diblomaasi sare oo u dhashay dalka Afghanistan ayaa lagu dilay magaalada Karachi, ee koonfurta  Pakistan.

Booliska ayaa sheegay in Diblomaasi lagu dilay Qunsuliyadda Afghanistan ee magaalada Karachi, waxaana dilka u geestay Askari u dhashay dalka Pakistan.

Mas'uulka la dilay ayaa ahaa xoghayaha Qunsulka Afghanistan u fadhiya Karachi, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska.

Safiirka dowladda Afghanistan ee Pakistan Omar Zakhilwal ayaa xaqiijiyay dilka mas'uulkaas, waxuuna ku tilmaamay mid ka dhashay muran isaga iyo Askari dhexmaray.

Wuxuu intaas ku daray in la qabtay askari dilka geestay, oo kamid ahaa ciidamo u dhashay Pakistan, oo ilaaliya Qunsuliyadda Afghanistan.

Dowladda Pakistan kama aysan hadlin Dilka Diblomaasigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM