Digniin weerar Gantaal oo been ah oo cabsi geliyay shacabka Hawaii

Image

Gudoomiyaha gobolka Hawaii ee waddanka Mareykanka, David Ige, ayaa sheegay in mid ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo wajahan, taas oo dadka loogu diray digniin ah in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo wajahan yahan.

Mr Ige ayaa raaligelin ka bixiyay khaladkaas dhacay waxa uuna sheegay in la qaaday tallaabooyin loogaga hortageyo in khaladkan uu markale soo laabto.

Dadka gobolka Huwaii ayaa aroortii hore ee subaxii Sabtida waxa ay hal mar ku baraarugeen digniin culus oo ah in gantaal riddo dheer uu ku soo wajahan yahay ayna tahay inay gabbaad raadsadaan.

Fariin lagu soo gudbiyay Mobile-ka ayaa dadka loogu sheegay "Gantaal riddo dheer ayaa gobolka Hawaii ku soo wajahan ee gabbaad raadso. Tani ma ahan ciyaar ciyaar".

Balse markii dambe digniintaasi ayaa waxa ay noqotay mid si khalad ah lagu diray.

Barasaabka gobolkaasi David Ige ayaa khaladka dhacay raaligelin ka bixiyay waxa uuna sheegay in qof ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay meesha laga diro digniinaha culus.

Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in baaritaan buuxo arrintaasi lagu sameyn doono.

Hannaan lagu diro fariimmaha degdega ah ayaa gobolkaasi ku rakiban sababtana waxaa lagu sheegay halka uu gobolkaasi ku yaal oo ay suuragal tahay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay soo gaari karaan.

Gobolka ayaa markii ugu horraysay tan iyo dhammaadkii Dagaalkii qaboobaa ee dunida waxa uu bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay tijaabiyay dhawaqa digniinaha.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM