Dilaagii Muslimiinta ku xasuuqay New Zealand oo rafcaan dalbadey

Image
Brenton Tarrant ayaa doonaya in uu meesha ka saaro xukunka lagu riday ee u dhigma "cimrigaaga haku furto".

WELLINGTON, New Zealand - Ninkii caddaanka ahaa ee 51 qof Muslimiinta ahaa ku dilay labo masaajid oo ku yaalla New Zealand ayaa racfaan ka qaadanaya xukunka lagu riday ee xabsi da'ainka, sidda ay warisay saxaafadda dalkaas.

Brenton Tarrant, oo 32 jir ah, ayaa gudbiyay racfaan ka dhan ah kiiskiisa iyo xukunkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamadda. Illaa haayan, ma jirto waqti loo mudeeyay kiiskan.

Tarrant ayaa 2020-kii lagu xukumay xabsi daa'in iyo in uusan heli doonin sii dayn sharafeed kadib markii lagu helay isku day dil iyo dilka dad badan. Ra'iisul Wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in uu isku dayayo in uu "dadka kusoo laabto".

Mar wax laga weydiiyay racfaankiisa, Ms Ardern ayaa u sheegtay suxufiyiinta: "Magaciisu waa magac aan lagu celin karin, waad damqanaysaa markaa maqasho. Sharciga ayaa anagana ku damqin doonaa".

Dowladda Ardern ayaa go'aansatay in aan lasoo hadal-qaadin magaca dilaagan. Hase ahaatee, qaar kamid ah siyaasiyiinta waddankaas waxay olole ugu jiaan in uu banaanka yimaado.

Imaam Gamal Fouda, oo ka badbaaday weerarkii masaajidka Al Noor ee Christchurch, ayaa sheegay inuu "ku jahwareeray" sababta uu Ardern rafcaan uga qaadanayo "dambiga uu isaga qudhiisa qirtey".

"Kama caawin karo inaan ka fikiro in tani ay tahay tallaabo kale oo uu argagixisadu ku doonayo inuu mar kale waxyeello u geysto dhibbanayaashiisa iyadoo lagu ilaalinayo xusuusta isaga iyo falalkiisii ​​argagixisanimo," ayuu u sheegay wargeyska The New Zealand Herald.

Tarrant, oo haysta dhalashada Australia, una soo guuray New Zealand sanadka markii uu ahaa 2017, ayaa 15-kii Maarso ee xagaagii 2019 wuxuu weeraray laba masaajid oo ku yaalla koonfurta magaalada, isagoo ku hubeysan qoryo heer-sare ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM