Dildilaaca ku bilowday saaxiibada ugu dhow ee Vladimir Putin

Image
Anatoly Chubais ayaa nqodey masuulkii ugu sarreeyay ee iska casila xil tan iyo markii uu Ruushka ku duulay dalka Ukraine.

MOSCOW, Russia - Waxa shaqada iska casilay Anatoly Chubais oo ahaa ergayga caalamiga ah ee madaxweyne Vladimir Putin waana masuulkii ugu sarreeyay ee iska casila xilka tan iyo markii uu Ruushka ku duulay dalka Ukraine.

Mr Chubais ayaa haye shaqada heer caalami ee isku dubaridka ahdaafta horumarka waara asagoo sidoo kale bilawgii dagaalka ka dib soo bandhigay sawirka nin mucaarad ahaa oo la dilay, taas oo loo arkayay arin xasaasi ah.

Sawirka Boris Nemtsov ee uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa jirin wax faallo ah oo la socday waxeyna kusoo beegantay sannadguuradii dilkiisa.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Tass in uu ka tagay dalka Ruushka sidoo kalena uu iska casilay xilka wakiilka gaarka ah ee madaxweyne Putin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga isaga iyo xaaskiisa mana jiro wax war ah oo kasoo baxay is casilaadiisa.
Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa yiri, "Haa, Chubais waxa uu isku casilay rabitaankiisa, haddii uu ka tagay Ruushka iyo haddii uu joogo intaba, taasi waa arrin gaar u ah isaga."

Xubno yar oo ka mid ah kuwa u dhaw madaxweyne Putin ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kasoo muuqday fagaareyaal kala duwan. Lataliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa Arbacadii sheegay in ay xiiso leedahay in labada masuul ee ugu sareeya amniga Ruushka, Wasiirka Difaaca Sergei Shoigu, Taliyaha Ciidanka Valery Gerasimov iyo madaxda sirdoonka aysan jirin meel lagu sheegi karo.

Inkastoo Chubais uu haye jagada wakiilka gaar ka ee xiriirka caalami haddana looma arko in uu ka mid yahay Kremlin-ka dalka.Waxaa aad loogu xasuustaa doorkii uu ka qaatay dib u habeynta dhaqaalaha Ruushka sagaashameeyadii kadib burburkii Midowgii Soofiyeetka.

Dadka mucaaradka ah ayaan la dhacsaneyn is casilaadda Mr Chubais. Af hayeenka hogaamiyaha xidhan, Kira Yarmysh, ayaa shaki gelisay sheegashada ah in ay ka ahayd mudaaharaad ka dhan ah dagaalka, waxayna sheegtay in taasi badalkeeda tahay oo uu u baqay naftiisa iyo maalkiisa.

Ruushka ayaa ku gacan seyray dhaleeceynta duulaankii 24-tii Febraayo, isaga oo rabay warbaahinta dowladda in ay ku tilmaamto "howlgal milateri oo gaar ah".

Dhowr wariyeyaal ah oo ka tirsan TV-ga dowladda ayaa shaqada ka tagay, sida tafatirihii telefishinka One Marina Ovsyannikova, taas oo kor u qaaday boodh ay ku qoran tahay "Jooji dagaalka!" iyadoo lagu guda jiray war si toos ah ooga baxayay muuqbaahiyaha, waxaana la meel mariyay sharci cusub oo mamnuucaya faafinta wararka been abuurka ah.

Wariyaha Alexandeer Nevzorov ayaa noqday shaqsiga aan weli dacwad lagu soo oogin , ka dib markii uu baraha bulshada ku faafiyay  warar ku saabsan weerarkii dhimashada badan sababay ee ciidama Ruushka ka gaysteen isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Mariupol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM