Diyaaradaha Mareykanka oo ku dhawaadey Hawada North Korea

Image

Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee Maraykanku ayaa dulmaray meel u dhow xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay inay ahayd dhoolatus ay wasaaradda difaaca Maraykanku ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweyne Trump.

Pentagonka ayaa sheegay in talaabadan ay ahayd mid muujinaysa talaabooyinka dhinaca dagaalka ee uu madaxweynuhu kala dooran karo haddii ay halis ka timaaddo dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaadhay halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi ee ay gaadhaan tan iyo bilawgii qarniga 21aad.

Dhinaca kalena, wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo ka hadlay fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u miisay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya oo isla weyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah ina arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump ooh ore ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.

Wasiirka ayaa sheegay in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii cadda buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii maafiyada oo lacag iyo dhagar laga shaqeeyo.

Source: VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM