Donald Trump oo cafiyey sarkaal dambi culus lagu helay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii cafiyey George Papadopoulos, mid kamid ah lataliyaashiisa, oo qirtay dambi qeyb ka ah baaritaanka faragelinta Ruushka ee doorashadii madaxtinimada ee 2016.

Trump ayaa sidoo kale cafis u fidiyay Alex van der Zwaan, 36 jir reer Holland oo uu soddog u yahay bilyaneerka Ruushka u dhashay ee Jarmalka Khan.

Van der Zwaan waxaa lagu xukumay 30 maalmood oo xarig ah iyo $20 kun doolar ganaax ah markii uu been u sheegay baarayaasha qaaska ah ee Maraykanka Robert Mueller oo ku saabsanaa xiriir uu la sameeyay sarkaal ka tirsan ololihii doorashadda Trump ee 2016.

Magacyadooda ayaa ku biiray liis ay ku dhawaaqdey Aqalka Cad kuwaasoo la saamaxay kahor dabaaldega ciidda Masiixiyiinta ee soo aadan.

Trump wuxuu cafis buuxa siiyay 15 qof, oo ay kujiraan labo sharci yaqaan oo horey uga tirsanaan jiray xisbiga Jamhuuriga wuxuuna hoos u dhigay dhamaan ama qeyb kamid ah xukunada shan qof oo kale.

Papadopoulos, 33, wuxuu la taliye u ahaa ololihii Trump ee 2016. Wuxuu qirtay 2017 dambiga inuu been u sheegay wakiilada FBI waqtigaas iyo muhiimadda uu la leeyahay dadka uu ku andacoonayo inay xiriir la leeyihiin saraakiisha ugu sareysa Ruushka.

"Dambiga lagu soo oogay eedaysanuhu wuxuu ahaa mid culus oo waxyeelo u gaystay baaritaanka dowladda ee faragalinta Ruushka ee doorashadii madaxtinimada ee 2016," ayaa lagu yiri qoraalka talo bixinta xukunka ee ka soo baxay Lataliyaha Gaarka ah ee Mareykanka ee xilligaas Robert Mueller.

Wuxuu u adeegay 12 maalmood oo ah xukun 14-maalmood ah xabsiga federaalka, ka dibna waxaa lasoo saarey sii-dayn la kormeeri doono 12-bilood ah.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Papadopoulos lagu soo oogay "dambi la xiriira geeddi-socodka, mid ka mid ah inuu sameeyay hadallo been abuur ah," oo qayb ka ah baaritaanka Mueller, oo Trump ku cambaareeyay ugaarsiga saaxiibadiis.

"Cafiska maanta wuxuu gacan ka geysanayaa sixitaanka khaladka ay kooxda Mueller ku galeen dad aad u tiro badan," ayay maamulka Trump yiri.

Cafisyadan ayaa qeyb ka ahaa falal caynkan oo kale ah oo uu filayay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Jamhuuriga ka hor inta uusan madaxweynaha la doortay ee Dimuqraadiga ah Joe Biden uu xafiiska la wareegin Janaayo 20.

Trump, oo diiday inuu qirto guuldarada doorashooyinka, wuxuu sameeyay sheegashooyin aan la xaqiijin oo been abuur ah oo musuqmaasuq baahsan dhacay, balse wuxuu ku fashilmay isku-dayo dacwado.

Bishii la soo dhaafay, Trump wuxuu cafis u fidiyay la taliyihiisii hore ee amniga qaranka Michael Flynn, kaasoo laba jeer qirtay dambiga ah inuu been u sheegay FBI-da intii ay socotay baaritaanka Ruushka. Cafiska Flynn ayaa cambaareeyay Dimoqraadiyiinta iyo dadka kale oo kasoo horjeeda siyaasadda Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM