Donald Trump oo cod laga helay isagoo qiranaya in uu kiis halis ah

Image
Kulankan codka laga helay ayaa Julaay 2021 lagu qabtay garoonka golf-ka ee Trump ee Bedminster, New Jersey.

NEW YORK, United States - Dacwad-oogeyaal heer federaal ah ayaa helay cajalad maqal ah oo ku saabsan shirkii xagaaga 2021 uu ka qeybgalay madaxweynihii hore Mareykanka, Donald Trump, sidda ay warisay CNN.

Trump ayaa, sidda ay sheegeen illo wareedyo, waxa uu codkaas ku qiranayaa inuu haysto dukumeenti sir ah oo caddeynaya in waaxda gaashaandhiga ay diyaarisay weerar ka dhan ah Iran.

Codkaas ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijinayaa in Trump uu fahmay in uu haysto waxyaabo sir ah kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad, sida laga soo xigtay ilo badan oo si dhow ula socda baaritaanka.

"Isla codka gudahiisa, Faallooyinka Trump waxay soo jeedinayaan inuu jeclaan lahaa inuu dusiyo macluumaadka hase ahaatee ay xadidayaan awoodihiisa madaxwayne," ayay raacisay warbixinta.

CNN ma dhageysan codka. Balse illo wareedyo ayaa sheegay in qaybta ku habboon ee dukumeentiga Iran ay tahay qiyaastii laba daqiiqo, halka ilo kale ay xuseen in dooda ay tahay qayb yar oo ka mid ah kulan aad u dheer.

Baaraha gaarka ah ee kiiska lagu soo oogay Trump oo ku saabsan in uu haystay dukumiintiyo sir ah marka uu xafiiska ka tagay, Jack Smith, ayaa hogaaminaya baaritaanka waaxda cadaaladda ee Trump.

Smith ayaa diiradda saaray kulanka oo qeyb ka ah baaritaanka dambiyada ee lagu hayo sida uu Trump u maareeyay sirta amniga qaranka tan iyo markii uu baneeyay Aqalka Cad.

Illo wareedyadda ayaa caddeeyay in codkan uu yahay cadaymo "muhiim ah" oo xoojineysa kiiska ka dhan ah Trump kaasoo beeniyay in uu keydsadey sir qaran markii uu faarujiyey xafiiska.

Kulankan codka laga helay ayaa Julaay 2021 lagu qabtay garoonka golf-ka ee Trump ee Bedminster, New Jersey iyadda oo caddeynta muujineyso in ay wehliyeen ugu yaraan laba qof kale oo aan la sheegin magacyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM