Donald Trump oo dacwad ka gudbiyey telefishinka CNN

Image
Madaxweynihii hore Mareykanka ayaa tan iyo bishii November 2020 ku andacoonayay in doorashada lagu shubtay.

WASHINGTON, US - Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dacweeyay Telefishinka CNN isaga oo ku eedeeyay in uu sumcad dil u geystay uuna weydiistay magdhow ka badan $75,000 illaa $475 milyan.

Waxa uu ku andacoonayaa in warfidiyeenka uu sumcadiisa wax ugu dhimay " been abuur, sumcad dil, iyo aflagaado kicinaya isaga" iyo in dhaqanka CNN "uu yahay mid loogu talagalay in lagu farageliyo xirfadiisa siyaasadeed."

Gaar ahaan, Trump wuxuu ku doodayaa inuu xaq u leeyahay boqolaal milyan oo doolar oo magdhow ah sababtoo ah adeegsiga CNN ee ereyga "Been Weyn" si uu u qeexo "walaaca uu sheegay Trump ee ku saabsan hufnaanta hannaanka doorashada ee doorashada 2020."

Qareenada Trump ayaa sheegay in "Beenta Weyn" ay si toos ah u tixraacayso xeelad uu ku shaqeysto Adolf Hitler oo ka soo muuqday Hitler's "Mein Kampf."

Madaxweynihii hore ayaa tan iyo bishii November 2020 ku andacoonayay in doorashada lagu shubtay, inkastoo dhowr iyo toban dacwadood iyo dib u tirinta lagu ogaaday in aysan dhicin.

Waxaa baaritaan ku haya Congress-ka iyo dowladda oo isku dayaya inuu meesha ka saaro natiijada doorashada, labo sano ka dib, wuxuu weli sheeganayaa inuu ku guuleystay doorashada 2020.

CNN wax faallo ah kamay bixin. Kiiskan ayaa loo xilsaaray xaakimka uu Trump magacaabay ee Raaj Singhal, oo ku sugan degmada Koonfurta ee Florida. CNN waa mid kamid ah telefishinada ugu afka dheer gudaha Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM