Donald Trump oo digniin u direy dalka Iran

Image

Washington ayaa cambaareysay Xarig loo gaystey dad si Nabad ah uga mudahraadayey miciishada oo kor u kacdey dalka Iran. 

Tehran - Dalka Mareykanka ayaa dalka Iran ka dalbadey iney Ixtiraamto dad mudaharadayo aan horey loo arkin ka sameeyey dalka Iran kuwasoo ka cabanaya  miciishada oo kor u kacdey.

Dad lagu qiyaasey 300 oo qof ayaa mudaharaad ku sameeyey magalaada Kermenshah ee ku taal Galbeedka dalka Iran, maalinamadii Jimacaha, sida ay sheegtey wakaalada Wararka Fars. Booliska dalkaas ayaa isticmaaley biyo iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya si ay u kala eryaan dadkaas.

Mudaharadyadaan ayaa sidoo kale ka dilaacey magaalo madaxda dalkaas ee Tehran sida ay sheegeen baraha bulshada qaarkood.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter soo dhigey in shacabka dalka Iran mudaharaadyo ka sameeyeen dhibaatada dalkooda ka taagan kuwasoo ay ku kacayaan madaxda kooxda talada haysa oo si qaldan u isticmaalaya hantida dalkaas iska lahaa.

“ Dowlada Iran waa waa iney dhowrtaa xuquuqda dadka muwaadiniinta ah, iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney muujiyaan dareenkooda. Caalamku waa daawanayaa. Tweet Trump ayaa kalmad kalmad ula mid ahaa hadal ay horey u jeedisay afhayeenka aqalka Cad Sarah Sanders. Taasoo markii hore digniin ku bixisay “ Aduunka waa idin daawanayaa.”

Hadalka Trump iyo Aqalka Cad ayaa dadka siyaasada Falanqeeya waxa ay ku tarjumeen mid siyaasadeysan balse aan dan badan ka laheyn shacabka dalka Iran.

Xiriirka dalka Iran iyo dowlada Mareykanka oo uu Trump hogaamiyo ayaan wanagsaneyn wayadaan dambe kadib markii uu khilaaf ka yimid sida labadaan u kala arkaan dagaalka dalka Syria, dagaalka Yemen iyo wadada loo marayo barnaamijka Nukleyeerka Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM