Donald Trump oo saxiixay amar ka dhan ah booliska Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qalinka ku duugay amar ku aadan isbedel lagu sameeyo booliska waddankaas "si loosoo afjaro nidaamkii hore ee fashilmay".

Trump, sidda laga soo xigtay warbahinta maxaliga ah ee Mareykanka, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in luqun-qabashadda gebi ahaanba la mamnuuci doono, marka laga reebo xaaladdo gaar ah.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa todobaadyo kadib markii banaanbaxyo rabashado wata ay sababeen dhimashadda George Floyd oo ku geeriyooday gacanta ciidamadda booliska.

George Floyd oo kasoo jeeday bulshadda madow ee Mareykanka waxaa qoorta dhulka ugu qabtay sarkaal boolis ah, kaasoo haatan xabsi ku jira isla markaana wajahaya dacwad dil bareer ah.

Dib-u-habeyn balaaran oo lagu sameeyo ciidamadda booliska ayaa waxay kamid ahayd codsiga ay soo jeedinayeen dibad-baxayaasha.

Dilka Floyd oo lagu waramay in meydkiisa laga helay safmarka Coronavirus ayaa ka dhacay gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota, halkaas oo la dalbaday in booliska la kala diro.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada caalamka ee ay ku badan tahay dhacdooyinka la xiriira arrimaha takoorka, waxaana arrintaas loo aaneynayaan in ay ku nool yihiin dadyow kala gedisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM