Dood ka taagan gunnada ay Liz Truss helayso kadib is-casilaada

Image
Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa sanad walba qaata $130,001 kadib marka ay shaqadda ka tagaan.

LONDON, UK - Hogaamiyaha xisbiga Labour-ka Sir Keir Starmer ayaa wuxuu ugu baaqay Liz Truss in aysan dalban gunno gaaraysa i£115,000 ($130,001) sanadkii taas oo ay xaq u yeelan doonto kadib marka ay iska casisho xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Liz Truss ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay iska casishay jagadda wasiirka koowaad ee boqortooyadda Ingiriiska kadib 45 maalmood oo ay shaqada ku jirtay.

Waxay la macno tahay inay hadda awood u yeelan doonto inay dalbato Gunnada Kharashka Dadweynaha (PDCA) taasoo dhammaan ra'iisul wasaarayaashii hore ay xaq u leeyihiin.

Laakiin hogaamiyaha Labour-ka ayaa tibaaxay in Truss aysan "gudan waajibaadkii ay ku heli lahayd". Ra'iisul wasaarayaashii hore waxay awoodaan inay PDCA ka qaataan kharash kasta oo ku yimaada natiijada waajibaadka dadweynaha.

Laakin Sir Keir, oo la hadlayay warbaahinta BBC-da ayaa yiri: "Waa in aysan qaadan xaqaas, 44 maalmood kadib ma aysan helin xaquuqdaas, waa in ay diiddaa".

Dhankiisa, Hogaamiyaha Liberal Democrats Ed Davey oo xoojiyey doodda siyaasiga ah ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftey in Truss aysan ahayn in ay sheegato lacagtaas.

Waxa uu barbardhigay gunnada kharashaadka iyo "hawlgabka dawladda oo buuxa", isagoo u sheegay raadiyaha LBC inay ahayd "jeer, marar badan" waxa shaqaaluhu filan karaan marka ay hawlgab yihiin.

Hadalkooda ayaa daba socda baaqyo la mid ah oo ka soo yeeray ururada iyo dadka u ololeynaya siyaasadda xisbiyadda mucaaradka ah ee Ingiriiska kuwaasoo ra’iisul wasaaraha xilka kasii dagaya ku tartarsiiyey in aysan qaadan lacagtaas aadka u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad diiday codsiga Netanyahu ee hakinta dhagaysiga dacwad musuqmaasuq

Dacwadda koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa lagu eedeeyay in ay ka heleen taajiriin hanti badan oo lagu qiyaasay $260,000.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 12:32PM

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM