Doon loo maleynayo in ay la socdeen qaxooti Soomaali ah oo degtey

Image
Weli ma cadda tirada dadka saarnaa doonta ka hor inta aysan degin

ATHENS, Greece - Ugu yaraan kow iyo toban qof ayaa ku dhintay dooni ay la socdeen tahriibayaal iyo qaxooti ay ku degtay jasiirad yar oo ku taal koonfurta Giriiga, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Waxaa loo maleynayaa in rakaabka ay kamid ahaayeen dad Soomaali ah.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa Jimcihii sheegay inay soo badbaadiyeen in ka badan 90 qof kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku dhufatay dhagaxaan waqooyiga jasiiradda fog ee Antikythera maalin ka hor.

"Todobo meyd ah ayaa markii hore la helay, waxaana socda dadaallada baadi goobka," ayay xukuumadda Athens tiri. Tirada dhimashada ayaa markii dambe dib loo eegay, iyadoo laga dhigay 11.

Dadka ilaa hadda la badbaadiyay ayaa isugu jiray 27 carruur ah, 11 dumar ah iyo 52 rag ah, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha. "Weli ma cadda tirada dadka saarnaa doonta ka hor inta aysan degin," ayuu yiri sarkaalka.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo bandhigay muuqaalka howlgalka lagu soo badbaadiyay. Waxay muujisay dadka oo lagu ridayo doonyaha nolosha oo lagu wareejiyay doon roondo ah. Dadka badbaaday ayaa la keenay dekedda Piraeus, oo u dhow caasimadda Athens.

Dhacdo kale oo dhacday Jimcihii, booliiska Giriiga ayaa xiray saddex qof oo lagu eedeeyay tahriibin waxayna xireen 92 muhaajiriin iyo qaxooti ah ka dib markii doon ay ku soo caarisay koonfurta Peloponnese.

Giriiga ayaa ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee soo gala Midowga Yurub muhaajiriinta iyo qaxootiga ka soo cararaya iskahorimaadka iyo faqriga ee Aasiya, Bariga Dhexe, Afrika iyo meelo kale, inkastoo tirada dadka imanaya ay si weyn hoos ugu dhacday tan iyo 2015-2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM