Doorashada Mareykanka: Gobolkii ugu horeeyay oo dib u tirinaya codadka
WASHINGTON, US – Mas'uulka ugu sareeya gobolka Georgia, Brad Raffensperger, ayaa ku dhawaaqay in ay dib u tirin doonan codadka "maadaama farqiga u dhaxeeya Joe Biden iyo Donald Trump uu aad u yar-yahay".
Sharciga dib loogu tirinayo codadka gobolka Georgia wuxuu xeerinayaa marka murashaxiinta ay ku kala horeeyaan kaliya hal cod oo qura.
Tani waxay imaaneysaa iyaddoo murashaxa Dimuqraadiga uu hogaanka u qabtay codadka illaa haatan la tiriyey, arrintaas oo Jamhuuriyiinta ay ka banaanbaxeen.
Inkasta oo tirinta codadka ay wali socota, Joe Biden ayaa Donald Trump kala wareegay hogaanka gobolka aadka loogu xilfaaltamayo doorashooyinka Mareykanka ee Georgia.
Jamhuuriyiinta waxay sanadihii ugu dambeeyay aad ugu gacan-sareeyeen ismaamulkan, halka Dimuqraadiyiinta aysan taageero ka helin tan iyo 1992-dii.
Dhanka kale, Joe Biden ayaa qabtey hogaanka codadka gobolka Pennsylvania halkaasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu Donald Trump ku gacansareeyay.
Tani waxay la macno tahay hadii murashaxa dimuqraadigu sii-xijisto kaalinta koowaad ee Georgia iyo Pennsylvania oo haatan uu ku jiro uu ku guuleysan karo tartanka Aqalka Cad, waxayna taas dileysaa fursad walba uu Donald Trump heli lahaa.
Donald Trump oo naqdiyey natiijooyinkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Mareykanka ayaa sheegay in uu "dhibane u yahay shirqool heer qaran ah oo la doonayo in looga saaro Aqalka Cad".
Murashaxa Jamhuuriga wuxuu intaas ku daray "Marka tirinta codadka soo idlaato aniga ayaa noqonaya guuleystaha madaxtinimada".
Geesta kale, Muuqaal-baahiyeyaasha ugu afka dheer Mareykanka – MSNBC, NBC, ABC News, CNN, Fox News Channel iyo CBS News – ayaa hakiyey tabinta tooska ah ee shir jaraa'id uu Donald Trump kaga hadlay tirinta codadka doorashooyinka.
Telefishinadan waxay talaabadan u cuskadeen in uu madaxweynaha "faafinayo been iyo warar kutiri—kuteyn ah".
Dhanka kale, Bileyska magaalada Philadelphia ee ismaamulka Pennsylvania ayaa qabtay laba ruux oo "qorsheynayey" in ay weeraraan xarunta ay ka socoto tirinta codadka.
Natiijadda gobolkan waxaa la odorasayaa in ay kala caddeyn doonto midka Donald Trump iyo Joe Biden noqon doona hogaamiyaha Mareykanka afarta sano ee soo aadan.
Doorashada Mareykanka ayaa ka duwan noocyada coddeyn ee laga yaqaano caalamka. Ameerika waxaa madaxweynaha codadka shacabka uga muhiimsan ergooyinka gobolada kuwaas oo hadii 270 kamid ah helo uu badinayo.
GAROWE ONLINE