Doorasho ka dhacaysa dalka Gambia

Image

Doorasho Baarlamaani ah ayaa kasocoto dalka Gambia, oo hadda kasoo kabanaya qalalaase ka dhashay doorashadii lagu murmay Bishii December, 2016.

Dad gaaraya 880,000 oo reer Gambia ah ayaa isku diiwaangeliyay inay codadkooda ka dhibtaan goobaha doorashada oo ka furmay saaka dalkaasi.

Shacabka Gambia oo gaaraya 1.8 Million ayaa waxay dooranayaan 53 kursi oo ka kooban Baarlamaanka, waxaana u tartamaya 238 murashaxiin ah.

Waa Doorashadii ugu horeysay oo Gambia ka dhacday tan iyo markii Madaxweynihii hore Yaxye Jaamac awooda ka degay Bishii January.

Adama Barrow oo ku guuleystay Doorashadii December, ayaa isku dayaya inuu Gambia kusoo celiyo Nidaamkii Dimuqaraadiyada iyo kala dambeynta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay in shacabka Gambia gacantooda ku jirto mustaqbalka waddanka iyo masiirkooda intaba

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM