Dowlada Kenya oo digniin u dirtey Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia

Image

NAIROBI- Wararka warsidaha GO ka helayo saraakiil ka tirsan hay'adaha amniga dalka ayaa sheegaya in dowlada Madaxweyne Uhuru Kenyatta digniin u dirtey xildhibaanada dowlada Federaalka Somalia kuwasoo dalkeeda horey ugu is qabtey kulamo looga soo hirjeedo xukuumada Madaxweyne Farmaajo.

Digniinta dalka Kenya ayaa timid kadib markii asbuucyadii lasoo dhaafey magalaada Kenya xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia kaga dhawaaqeen magalaada Nairobi xisbi mucaarad ku ah dowlada cusub ee Madaxweyne Farmaajo.

Warsidaha GO ayaa fahansan in dowlada Kenya amar ku siisey hay'adaheeda amniga iney Isha ku hayaan kulamada Xildhibnaada Federaalka ku yeelanayaan magalaada Nairobi.

Talaabada ayaa sidoo kale timid kadib markii dowlada Madaxweyne Farmaajo cabasho u soo gudbisay asbuucii hore dowlada dalka Kenya.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-shabeele iyo xildhibaanada mamaulkaas ugu jira aqalka Barlamanka Federaalka Somalia ayaa habeen kii xalay xaflad ku qabsadey Hotel Laico oo ku yaal bartamaha magalaada Nairobi.

Xogta GO ayaa sheegeysa in dowlada Kenya xubnaha  qaban qaabinayey kulankaan uga digtey in shirkaan lagaga hadlo arimo Lid ku ah dowlada cusub ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxwynaha Hirshabeeele ayaa kulankaan ka sheegey in mamaulkiisu taageersan yahay dowlada Madaxweyne Farmaajo balse ay qabaan cabashooyin isagoo codsadey in beesha caalamku taageerto mamaulkiisa.


Digniin- Fadlan xuquuqda xogtaan waxaa iska leh warsidaha GO fad lab hadaad sii daabaceyso xus magaca warsidahaan. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM