Dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan oo qalinka ku duugay heshiis kale

Image
Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa sheekadan warisay subaxnimadii Isniinta maanta ah.

RIYADH, Saudi Arabia - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal bin Farhan iyo dhiggiisa Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa kulmi doona inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa sheekadan warisay subaxnimadii Isniinta maanta ah iyadda oo soo xigatay illo wareedyo aysan soo bandhigin magacyadooda.

Diblomaasiyiinta oo sidoo kale yeeshay wada hadal dhanka telefoonka ah ayaa isla soo qaadey arrimo uu ku jiro dardargelinta iyo fulinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay la saxiixdeen Shiinaha.

Bishan March 10-keedii, Sacuudiga iyo Iran ayaa ku heshiiyey inay dib u soo ceshadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, dib u furista safaaradaha iyo inay safiiro is dhaafsadaan laba bilood gudahood.

Labada dal ayaa xiriirka jaray sanadkii 2016-kii. Go'aanka dib u soo celinta xiriirka ayaa yimid ka dib wadahadalo socdey intii u dhaxeysay 6-dii Maarso ilaa 10-kii March.

Wadaxaajoodka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada caasimada ah ee Beijing waxaana halkaas lagu saxiixay lagu saxiixay heshiiska saddex geesoodka ah ee Shiinaha, Sacuudi Carabiya iyo Iran.

Xukuumadaha Riyadh iyo Tehran waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la dhaqaajiyo heshiiskii iskaashiga amniga ee la saxiixay 2001 iyo heshiiska ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga ee la saxiixay sanadkii 1998-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM