Dowladda Ciraaq oo ku raad jirto mas'uuliyiin musuqmaasuqay 2.5 bilyan dollar

Image

BAQDAAD - Dowladda Ciraaq ayaa doonaysaa in ay ka codsato Interpol in ay soo saarto "waaran qabasho caalami ah" oo ka dhan ah mas'uuliyiin hore, oo ay ku jiraan wasiirkii hore ee maaliyadda iyo madaxa sirdoonka, oo lala xiriirinayo inay lunsadeen lacag dhan 2.5 bilyan oo doolar.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta dalkaas, fadeexadani waxay ku saabsan tahay lacag sharci darro ah oo lagala baxay Hay'adda Canshuuraha Guud ee dalka sannadihii 2021 iyo 2022 oo dhan $2.5 bilyan.

Madaxa guddiga Hufnaanta, Haider Hanoun, ayaa ku dhawaaqay tallaabo lagu abaabulayo "calaamadaha cas" ee Interpol oo ka dhan ah dadka la raadinayo.

Hanoun ayaa sheegay in garsoorka uu sidoo kale ka codsan doono Interpol inay ka soo saaran calamada cas xoghayaha gaarka ah iyo la taliyaha dhanka siyaasadda ee ra'iisul wasaarihii hore Mustafa Al-Kazemi.

Al-Kazemi iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Cali Allawi ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin musuqmaasuqa, kaasoo la sheegay in dabayaaqadii sannadkii hore la kashifay kaddib markii ay dowladda cusub la wareegtay awoodda.

Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Sudani ayaa sheegay in uu mudnaan siinayo la dagaalanka musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dalkaasi, isla markaana horseeday in la xado balaayiin hanti ah oo ka soo geshay shidaalka dalkaasi sanadihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM