Dowladda Ruushka oo "ka aargoosatay" Jamhuuriyadda Moldova

Image
Xukuumadda Moscow ayaa ceyrisay diblumaasi sarre oo matalayey dhigeedda Chisinau.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa Talaadada maanta ah waxa uu ku dhawaaqay in uu eryay diblamaasi u dhashay Moldovan. Tallaabo ayaa ah mid aargoosi ah, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in safiirka Moldova u fadhiya Ruushka, Lilian Darii, looga yeeray xarunta wasaaradda lana waydiiyey su'aallo.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Lilian si rasmi ah loogu wareejiyo "warqad cabasho oo ka dhan ah talaabooyinka aan saaxiibtinimada ahayn ee xukuumadda Chisinau ku beegsatay Moscow".

"Intaa waxaa dheer, madaxa howlgalka diblomaasiyadeed ee Moldovan ayaa lagu wargeliya gelitaanka Xiriirka Ruushka looga joojinayo tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Moldova sababo ku aadan hadaladooda joogtada ah ee lidka ku ah Ruushka, iyo sidoo kale ku biirista Chisinau liiska cunaqabataynta Midowga Yurub," ayaa la raaciyey qoraalka.

19-kii Abriil ee sanadkan 2023-ka ayay hayad markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Moldova Filip Cojocaru uu ku dhawaaqay go'aan uu ku sheegay in diblomaasiyiin Ruush ah looga soo eryay dalkaas.

Dhinaca kale, hal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Ruushka isla Talaadada maanta ah, sidda ay masuuliyiintu u sheegeen war-fidiyeenadda maxaliga ah.

Diyaaradda ayaa kusii jeeday degaanka Yerzovka ee u dhow magaalada koonfureed ee Volgograd iyada oo aanay wax rakaab ahi saarnayn, sida ay bayaan ku sheegtay Wasaaradda Xaaladaha Degdegga ah.

Hay'adda samatabbixinta iyo fulinta sharciga ayaa ka shaqaynaya goobta shilku ka dhacay. Diyaaradda ayaa nooceedu waxa uu ahaa kuwa qumaatiga u kaca waxaana loo adeegsan jiray qaab ambalaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM