Dumarka Sacuudiga oo loo ogolaanayo garoommada Ciyaaraha

Image

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaan doonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Qoysaska ayaa awoodi doona in ay galaan garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.

Waa tallaabo kale oo xorriyad dheeraad ah lagu siinayo dumarka Sacuudiga oo ay saaranyihiin xayiraando jinsi ku salaysan, waxayna arrintani dabo socotaa xayiraddii wadidda baabuurta ka saarnayd ee dhawaan laga qaaday.

Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.

Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awdoodaan "in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.

Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhexdooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.

Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayay ahaayeen.

BBC

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM