Duq magaalo oo u guurtey xero ciidan kadib markii loo hanjabay

Image
Kooxaha geysta dambiyadda abaabulan ayaa loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan hanjabaadan.

WASHINGTON, United States - Duqa magaalada Tijuana ee dalka Mexico ayaa gurigeeda u rartay xeryo ciidan ka dib markii ay soo wajahday hanjabaado dhinaca ammaankeeda, sidda ay warbaahinta warisay.

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada Isniintii, Montserrat Caballero waxay ku sheegtay inay heshay hanjabaado ka dib hawlgal ay koox dembiilayaal ah kaga qaateen 1,700 tan oo hub ah.

Todobo mayd ah ayaa sidoo kale waxa ay booliisku heleen oo laga soo buuxiyay gaari xamuul ah horaantii todobaadkan. Falkan ayaa illaa hadda waxaan laga helin wax fahfaahin ah.

Madaxweynaha Mexico, Andres Manuel Lopez Obrador, ayaa xaqiijiyay hanjabaadaha intii lagu jiray shir jaraa'id Talaadadii, isagoo ku eedeeyay "kooxaha dambiyada abaabulan".

"Waa la ilaalinayaa ilaa laba toddobaad ka hor," Lopez Obrador ayaa sharraxay. "Waxaan gaarnay heshiis aan ku caawinayno ilaalinteeda waana sii wadi doonnaa."

Golaha magaalada Tijuana ayaa sidoo kale soo saaray bayaan, iyaga oo sheegay in hanjabaaddu ay ka dhalatay "dharbaaxadda ku dhacdey kooxaha burcadda ah".

Go'aanka ah in Caballero loo raro saldhig milatari ayaa hoosta ka xariiqay rabshadaha iyo aargoosiga ay la kulmaan kuwa ka soo horjeeda ama dareenka u keena dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubaysan ee Mexico, oo ay ku jiraan ka ganacsiga daroogada.

Qaar kamid ah kooxaha ayaa ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin mas'uuliyiinta gobolka, taasoo dhalisay cabsi ah inay ku canaanan karaan ciqaab la'aan taasoo dadka tuhun gelisay soona dedejisay baqdinta madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM