Duqeynta Yaman oo UN ay cambaareysay

Image

Xiriiriyaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey ee dalka Yaman -- Johannes Van Der Klauuw – ayaa cambaareeyay duqeynta aan kala joogsiga lahayn ee waqooyiga Yaman ay ku hayaan isbeheysiga uu sacuudiga hogaaminaayo, taas oo uu ku sheegay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in xaalad aad u xun ay haysato dadka rayidka ah eek u nool gobolka Sacda, halkaas oo ah meesha bartilmaameedka u ah duqeynta isbeheysiga.

Teresa Sancristóbal, waa madaxa gurmadka degdegga ah ee MSF ee gobolkaasi. Waxa ay ku sugneyd Sacda, markii duqeynta ay bilaabaneysay.

Waxay sheegtay in duqeynta ugu badan ay ka dhacday nawaaxiga cisbitaalka, ayna maqleen ugu yaraan 20 qarax xalay oo keli ah.

"Xalay, xoogaa duqeynta way xooganeyd, qiyaastii labaatan qarax ayaan maqalnay oo nawaaxiga cisbitaal ka ah. jidadka oo dhan xaqiiqdii waa cidlo. Balse, isla shalay waxaa na soo gaartay tiro dumar ah oo fool ay haysay. Taasi micneheedu waxa uu yahay dad ayaan nawaaxigan ku nool inkastoo aanan garan karin in meel u dhow magaalada ay joogaan ama gudaha ay ku jiraan oo ay meel isku qarinayaan." Ayey tiri, madaxa gurmadka degdegga ah ee MSF.

Weerarka ayaa xoogeystay, kaddib markii mucaaradka ay duqeeyeen dhulka Sacuudiga, goobo kayara durugsan xuduudda.

Sucuudiga waxa uu sheegay in ay u aqoonsan yihiin dhammaan waqooyiga Yaman ee gobolka Sacda inay tahay dhul dagaal, waxayna rayidka u sheegeen inay halkaasi ka baxaan.

Balse qor arrimaha gargaarka ka shaqeeyo waxa uu sheegaayaa in shacabka ay ku adagtahay inay qaxaan, sababtoo ah malahan shidaal lagu shibo gawaarida.

Dadka halkaasi ka qaxaya ayaa lug uga baxaya gobolka sida ay shaqaalaha gargaarka sheegayaan.

Kuwa ku haray halkaasina waxa ay aad uga baqayaan duqeymaha aan kala joogsiga lahayn.

Koronta, iyo isgaarsiinta telefoonada midna kama jiro Sacda, weeraradana waxa ay burburiyeen gebi-ahaan suuqyada, dhismayaasha dowladda iyo dhammaan adeegyada bulshada.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM