Duuliyeyaal ku geeriyoodey diyaarad ku dhacdey koonfurta Giriiga

Image
Diyaaradan ayaa ah nooca loogu talagalay dab-damiska waxaana ay sii daynaysay biyo xooggan.

ANKARA Giriiga - Laba duuliye ayaa waxay geeriyootay ka gadaal markii diyaarad loogu talagalay dab damiska ay burburtay xilli ay kusii jeeday dab ka kacay koonfurta Giriiga Talaadadii.

Muuqaal uu duubay telefishinka ERT TV ayaa muujiyay diyaaradda CL-215 oo sii daynaysa culayska biyaha ee jasiiradda Evia ka hor inta aanay mid kamid ah baalasha uu laad-laadey.

Daqiiqado ka dib, waxa ay ka luntey khadka iyadda oo ku dhac-dey meel god ah taas oo sababtey geerida duuliyeyaasha iyo burburka guud ahaan diyaaradda.

Ciidamada cirka Giriiga ayaa sheegay inuu socdo baadigoob iyo samatabbixin, balse rajada laga qabo in labada duuliye aysan u wanaagsaneyn, maadaama diyaarada aysan lahayn hab lagu soo saaro.

Kulayl daran oo maalintii saddexaad oo xiriir ah faro kulul ku haya Giriiga ayaa dib u riixay heerkul ka sarreeya 40 darajo Celsius (104 darajo Fahrenheit) qaybo ka mid ah waddankan.

Dad badan ayaa waxaa laga daadgureynayaa dab ka kacayay xakamaynta muddo maalmo ah waxaana wehliya dabaylo xooggan kuwaas oo dabka uga sii daraya/

Dabka xagaaga ayaa sidoo kale ku dhuftay wadamo kale kuwaas oo ku yaalla Badda Mediterranean, waxaana ku dhintay ugu yaraan 34 qof gudaha dalka Algeria.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay isbedelka cimilada inuu sabab u yahay kororka soo noqnoqda iyo xoojinta dabka ka socda qaaradda. Hase ahaatee, waxay ku fashilmeen xal waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM