Ebola oo gaaray Mali iyo kiis cusub oo lagu arkay New York

Image

October 24, 2014 (GO)- Kiis cusub oo cudurka Ebola ah ayaa lagu arkay magaalada New York ee dalka Maraykanka kadib markii caabuqa Ebola laga helay dhaqtar Maraykan ah oo ka tegey dalka Guinea.

Dhaqtarkaas oo lagu magacaabo Craig Spencer wuxuu ka tirsan yahay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF wuxuuna qayb ka ahaa kooxo caafimaad oo intii u dhexeysey October 14 ilaa October 17 booqasho ku tegey Guinea si ay uga qayb qaataan dadaallada lagula dagaalamayo cudurka Ebolaha.

Xilligan waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Bellevue ee ku yaalla isla magaalada New York iyadoo la karantiilayo dhammaan dadkii uu xiriirka la sameeyey oo afar kamid ah lagu guuleystey in lasooo helo.

Waa qofkii afraad ee Maraykanka gudihiisa muddo bil gudaheed ah laga helo fayruska Ebola iyado qofkii ugu horreeyey ee Maraykanka dhexdiisa cudurkaas laga helay ahaa nin asalkiisu Liberian yahay oo lagu magacaabi jirey Thomas Eric Duncan.

Dhanka kale waxaa kiiskii ugu horreeyey ee cudurka Ebola ah lagu arkay dalka Mali ee ku yaalla galbeedka Afrika. Wasiirka caafimaadka dalkaas ayaa xaqiijiyey in gabar yar oo labo sano jir ah dhiigeeda laga helay fayruska sababa cudurka Ebola.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 4,800 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM