El-Sisi oo amray in si qarsoodi ah gantaalo loogu dhoofiyo Ruushka

Image
Washington Post ayaa ku warantey in ay heshay dukumiintiyo sir ah oo muujinaya qorshan.

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Masar Abdel Fatah El-Sisi ayaa dhawaan amray sameynta illaa 40,000 oo gantaal kadibna si qarsoodi ah loogu dhoofiyo Ruushka, sidda ay muujinayaan dukumiintiyo laga helay sirdoonka Mareykanka.

El-Sisi oo wali aan caddeyn mowqifkiisa colaadda Ukraine waa mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo dalka qoondada ugu weyn ee ku leh gargaarka Mareykanka.

Qayb ka mid ah dukumeentiga sirta ah oo ku taariikhaysan Febraayo 17 ayaa soo koobaysa wadahadallo la sheegay oo dhex maray Sisi iyo saraakiisha sare ee militariga Masar iyo sidoo kale tixraacyada qorshooyinka si loo siiyo Ruushka rasaasta iyo baaruudda.

Sida ku cad dukumentiga, Sisi ayaa waxa uu farayaa saraakiisha in ay xafidaan soo saarista iyo shixnadaha gantaallada si qarsoodi ah "si looga fogaado dhibaatooyinka Galbeedka".

Washington Post ayaa dukumentiga ka heshay sawirro badan oo faylal sir ah oo la dhejiyay Febraayo iyo Maarso Discord, oo ah barnaamij lagu sheekeysto oo caan ku ah ciyaartooyda.

"Dokumentigan hore looma soo sheegin," ayay majaladda raacisay iyadda oo aan kala caddeyn haddii ay ka heshay dhinaca mukhaabaraadka Mareykanka iyo in kale.

Danjire Axmed Abu Zeid, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar oo ka jawaabay dukumiintiyadan, ayaa si toos ah waxa uusan u dafirin xaqiiadda dukumiintiga balse wuxuu caddeeyay mowqifka dalkiisa ee dagaalka Ukraine.

"Mawqifka Masar bilowgiisa uu ku salaysan yahay in aanay ku lug lahayn dhibaatadan, isla markaana ay ka go’an tahay in ay si siman u kala fogaadaan labada dhinac," ayuu yiri.

Zeid oo u waramay Washington Post ayaa waxa uu caddeeyay in Masar ay taageerto Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa si lamid ah Go'aannada Golaha Guud."

Shaacinta warkan ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Ruushka uu dagaal kula jiro dalka Ukraine. Labada dhinac ayaa lagu waramay in uu gabaabsi ka yahay hubka gabaabsiga ah ayna baadigoob ugu jiraan helitaanka sahay dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM

Iran oo beenisay in ay isku dayday in ay disho Trump

Iran ayaa sidoo kale horay u beenisay sheegashada Mareykanka ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Mareykanka, oo ay ku jiraan howlgallo dhanka Internetka ah.

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 06:09PM