El-Sissi oo u safraya Sacuudiga xilli Masar wajahayso dhaqaale xumo
QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha waddanka Masar, Abdel-Fattah el-Sissi, ayaa waxa uu socdaal naadir ah ku tagayaa boqortooyadda Sacuudi Carabiya, sidda laga soo xigtay saddex ilo diblomaasiyadeed oo u waramay wakaaladda wararka afka dheer ee Reuters.
Socdaalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa iyadoo Qaahira ay waddo dadaalo ay ku dooneyso in ay ku xakameyso dhibaatooyinka dhaqaale iyo cunto yari ee ku habsatay waddankan.
Sacuudi Carabiya oo qaniga ku ah Saliida ayaa muddo dheer taageero dhaqaale siin jirtay Masar, laakiin dhawaan waxay ka dhawaajisay inaysan sii ahaan doonin taageeradaas iyadoon wax shuruud ah lagu xirin, taasoo dadka indha indheeya ay u maleynayaan inay dhalisay isku dhac warbaahineed oo naadir ah oo u dhexeeya labada waddan.
Safarka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo is-maandhaaf dublamaasiyadeed uu ka jiro gobolka, iyadoo Sacuudiga iyo Masar ay qaadeen tallaabooyin lagu qaboojinayo xiisadda Suuriya, Iiraan iyo Turkiga.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Masar iyo Sucuudiga oo ku saabsan booqashada. Xiriiro lala sameeyay waaxyaha warfaafinta labada dal ayaan guuleysan in jawaab laga helo.
Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Khaliijka ayaa marar badan u soo gurmaday Masar tan iyo markii el-Sissi uu hoggaaminayay afgambigii Maxamed Mursi ee Ikhwaanul Muslimiin toban sano ka hor.
Markii dhibaatada dhaqaale ee Masar ay soo shaacbaxday oo ay uga sii dartay burburkii ka dhashay dagaalkii Ukraine ee sannadkii hore, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Qatar waxay lacag dhigteen bangiga dhexe ee Masar waxayna ballanqaadeen maalgashi cusub.
Laakiin maalgashigaas ayaa ahaa kuwo gaabis ah si ay u hirgalaan, iyaga oo cadaadis cusub saaray lacagta Pound-ka Masar toddobaadyadii la soo dhaafay inkasta oo lacagtu ay lumisay ku dhawaad kala bar qiimihii ay ku lahayd dollarka tan iyo bishii Maarso 2022.
Masar waxa ay Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF la saxeexatay qorshe samatabbixin ah oo dhan $3 bilyan bishii Disembar kaas oo lagu bartilmaameedsaday $9.7 bilyan oo maalgashi shisheeye oo toos ah sannad maaliyadeedka oo dhammaanaya June 2023.
GAROWE ONLINE