Elon Musk oo doonaya inuu badalo Sumadda Twitter-ka

USA - Milkiilaha barta "Twitter", Elon Musk, ayaa maanta xaqiijiyay in uu sameyn doono isbadallo waa weyn ee ku aadan sumadda twitter. Isaga oo yiri: "Waxaan mar dhow macsalaameyn doonnaa sumada Twitter-ka."

Waxaa suurtogal ah in isbeddelkan si degdeg ah oo ku sameeyo, isaga oo ku sheegay qoraal oo bartiisa so dhigey in haddii uu arko sumad wanaagsan oo isla caawa qaadan doono.

Musk ayaa bartiisa Twitter-ka sidoo kale soo dhigay sawirka shimbirta buluuga ah, oo astaan u ah Twitter-ka, laakiin waxa ay si degdeg ah isu beddeshay xarafka "X" ee Ingiriisiga.

Waxay u muuqataa in xarafka "X" oo micne gaar ah u leeyahay Musk, isaga oo ula jeedo qorshihiisa mustaqbalka ee ula doonayo Twitter.

Maalqabeen Elon Musk ayaa inta badan  ganacsigiisa kala duwan u isticmaala xarafka X; sida dayaxgacmeedka la yiraado “SpaceX”, shirkadiisa soo saarta gaariga caanka ah ee la Tesla waxaa iyadana la yiraahdaa Model X, IWM.

Markii uu u magacaabay Linda Iaccarino maamule sare bishii Abriil ee la soo dhaafay, wuxuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, "Waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno Linda si aan u rogono Twitter 'X', ama app-ka wax walba lagu samey karo."

Tan iyo markii Elon Musk uu iibsaday barta xiriirka bulshada ee Twitter-ka dayrtii sannadkii hore, waxa uu baddalay magaca ganacsi ee company-ga, isaga oo ka dhigay "X Corp", taas oo khubaradu ku fasireen in Musk uu doonayo in uu ka dhigo Twitter bar aad uga dawan midda hadda jirta.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, Twitter waxay miciin biday inay si ku meel gaar ah u bedesho sumadda shimbirta buluuga ah, iyaga oo ka dhigay sawirka eyga "Shiba Inu", kaas oo ku yaal cryptocurrency-ga loo yaqaan Dogecoin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM