​Erdogan: Indha kama laabanayno Abaaraha ka jira Somalia

Image

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uusan indha ka laaban doonin dhibaatooyinka abaabaraha ee ka jira dalka Soomaaliya. 

War uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay Madaxweyne Erdoğan in shacabka iyo dowlada Turkiga ay si wadajir ah ugu gurman doonaan walaalahooda Soomaaliyeed ee u dhimanayo Gaajada iyo Haraadka. 

"Somalia waxay qarka u saaran tahay Macaluul iyo dhibaato bini'aadanimo oo aad u xun xilligan, marka dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo isku duuban gurmad ayay gaarsiin doonaan Somalia," ayuu yiri Erdoğan. 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga ay billowday olole ballaaran, oo dhaqaale loogu aruurinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhufatay abaarta. 

Xukuumadda Turkiga iyo shacabkeeda, ayaa 2011 gurmad xooggan u samaysay Somalia, oo xilligaasi ay ka jirtay Macluul daran, oo galaafatay nolosha in kabadan 260,000 oo qof oo caruur iyo haween u badnaa. 

Sidoo kale, waqtigaas abaartu kajirtay Somalia Recep Tayyip Erdoğan ku yimid Muqdishu ayaa u jiiday dalka Dareenka beesha caalamka, oo ku dayday tallaabadii Turkiga iyagoo usoo diray gargaarka. 

Hay'adaha QM ayaa ka digay inay soo laabato Macaluul lamid ah midii 2011-kii, hadii aan caalamka si buuxda uga jawaabin dhibaatada abaarta, oo hadda gaartay heerkii ugu xumaa oo dadka ay billaabeen inay nafaqo darro iyo cudurro ugu geeriyoodaan Bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM