Erdogan iyo Putin oo ka wada hadlay colaada Ukraine

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa yeeshay wada hadal khadka taleefoonka ah iyagoo ka sheekaystay xaaladda Ukraine.

Erdogan ayaa laga soo xigtay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Turkiga isagoo sheegay in xabbad joojin guud oo degdeg ah ay yarayn doonto walaaca bini'aadantinimo ee gobolka, ayna ogolaanayso in uu soo baxo xal siyaasadeed.

Erdogan ayaa sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la gaaro xabbad joojin, in la furo waddooyin bini’aadantinimo iyo in la saxiixo heshiis nabadeed."

"Turkiga waxa uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto sidii xal nabadeed loogu xallin lahaa dhibaatada Ukraine sida ugu dhaqsaha badan," ayuu Erdogan u sheegay Putin.

Putin ayaa u sheegay Erdogan xaaladda ay hadda ku sugan yihiin ciidamada gaarka ah, wuxuuna si faahfaahsan u sharraxay ujeeddooyinka iyo danaha ugu muhiimsan ee howlgalka, sida laga soo xigtay Kremlin-ka.

"Ruushka wuxuu diyaar u yahay wadahadal uu la yeesho maamulka Ukraine iyo saaxiibada shisheeye si loo xalliyo khilaafka," ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale muujiyay rajada uu ka qabo in inta lagu jiro wareegtada soo socota ee wada xaajoodka, wakiilada Ukraine ay qaadi doonaan hab wax ku ool ah.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Milateriga Ruushka uu furi doono waddooyin bini'aadantinimo dhowr magaalo oo Yukreeniyaan ah maanta oo Isniinta sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax oo soo xigatay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Waddooyinka, oo sidoo kale loo furi doono magaalooyinka Kharkiv, Mariupol iyo Sumy, ka dib codsi shakhsi ah oo ka yimid madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo xaaladda hadda ka jirta magaalooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles