Erdogan oo ku baaqay in loo midoobo la dirirka Islaam-naceybka

Image
Reer Galbeedka ayaa si weyn uga gaabiyey wax ka qabashadda kororka kiisaska Islaam-naceybka.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo wadajir ah la qaado si wax looga qabto Islaam nacaybka iyo shisheeye nacaybka kusoo badanayawaddamada reer galbeedka.

"Weerarkii foosha xumaa ee lagu qaaday kitaabkeena qur'aanka kariimka ah ee Sweden maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa wuxuu muujinayaa baaxadda argagaxa leh ee Islaam nacaybka," ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa ku nuuxnuuxsaday mas’uuliyadda saaran dhammaan Muslimiinta si looga hortago in falkan oo kale uu soo laabato.

"Dhammaanteen, Muslimiinta oo dhan, waxaa na saaran mas'uuliyad weyn si aan u hubinno in falalkan oo kale, aysan soo laaban. Haddii aan u dhaqanno sidii hal qalbi iyo hal cudud, ma jiro qof adduunka ku nool oo ku dhiiran inuu weerarro xurmada Muslimiinta,” ayuu yiri.

Reer Galbeedka ayaa si weyn uga gaabiyey wax ka qabashadda kororka kiisaska Islaam-naceybka waxaana ay marmarsiyo uga dhigaan xorriyadda hadalka taas oo dowladaha Islaamka ay si weyn uga dhiidhiyeen sanadihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM