Erdogan: Waan dooneynaa wanaajinta xiriirkeena Israel

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu jeclaan lahaa inuu xiriir wanaagsan la yeesho Israel isla markaana wadahadalada dhanka sirdoonka ah ay u sii socdaan labada dhinac. Hadalkan wuxuu imaanayaa iyadda oo uu jiro guux ay dalal kula saaxiibayaan maamulka Yahuuda.

Balse, wuxuu sidoo kale dhaliilay siyaasada Israel ee Falastiiniyiinta oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Isaga oo la hadlaya wariyaasha kadib Salaadii jimcaha ee magaalada Istanbul, Erdogan ayaa tibaaxay in Turkiga ay qadiyado kala dhaxeyso "dadka dabaqada sarre ee gudaha Yahuuda" isla markaana xiriirkaas " uuaad u kala duwanaan lahaa” hadii aysan jiri lahyanarimahaas uusan sharaxin.

"Siyaasadda Falastiin waa khadkeena cas. Suura-gal naguma aha inaan aqbalno siyaasadaha Falastiin ee Israa’iil. Falalkooda naxariis darrada ah ee ay ka wadaan halkaas waa wax aan la aqbali karin," ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray: "Haddii aysan jirin arrimo heer sare ah, xiriirkeennu aad buu u kala duwanaan lahaa. Waxaan jeclaan lahayn inaan xiriirkeena gaarsiino meel wanaagsan".

Turkigu ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee aqoonsaday Israa’iil 1949-kiii. Waxay kuwada naaloonayeen xiriir diiran iyo mid ganacsi oo xoog leh illaa Erdogan uu xukunka la wareegay.

Sanadihii ugu dambeeyay, Ankara waxay si isdaba joog ah u cambaareysay qabsashada Israel ee daanta galbeed iyo sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

Turkiga ayaa markii ugu horeysay jaray xiriirkii diblumaasiyadeed ee uu la lahaa Israel sanadkii 2010 kadib markii 10 qof oo u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta taageersan Falastiin ay dileen ciidamada kumaandooska Israel kuwaas oo fuulay markab flotilla ah oo Turkigu leeyahay oo isku dayaya in ay gargaar gaarsiiyaan isla markaana jabiyaan xayiraada dhanka badda ee Israa’iil sanadaha badan ku haysay Falastiiyiinta.

Go’doominta Israa’iil ee Marinka Gaza ee la haysto ayaa jirtay tan iyo bishii Juun 2007, markii maamulka Yahuuda uu ku soo rogay xayiraad dhul, bad iyo cirba ah wallow hawada aan la saarin.

Waxay xiriirkii soo celiyeen sanadkii 2016, laakiin xiriirka ayaa markale xumaaday sanadka 2018.

Bishii May ee sanadkaas, Ankara waxay ula noqotay ergaygeeda weeraradii lagu hoobtay ee ka dhanka ahaa Falastiiniyiinta ku teedsan marinka Qaza kuwaasoo ka mudaaharaadayay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu safaaradda Mareykanka uga raray Tel Aviv una geeyay magaalada Qudus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM