Ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo is-casilaya

Image
Majalada Foreign Policy ayaa sheegtay in ku xigeenka ergeyga, Payton Knopf uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.

NAIROBI, Kenya - Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, David Satterfield ayaa lagu soo waramayaa inuu xilka ka tagayo ka hor inta aan la gaarin bisha Juun ee sanadkan iyadoo gobolka ay hareeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo kuwo bini’aadannimo.

Sida laga soo xigtay saraakiil aan la shaacin magacyadooda ayaa sheegeysa in Satterfield uu iscasilayo saddex bilood ka dib markii uu xilka kala wareegay Jeffrey Feltman oo ahaa ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika wax ka yar sannad.

Majalada Foreign Policy ayaa sheegtay in ku xigeenka ergeyga, Payton Knopf uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka David Satterfield aysan ahayn mid deg deg ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar kahor ku dhawaaqday in Satterfield iyo Knopf lagu wado inay imaadaan Itoobiya Arbacadan, si ay kulamo ula yeeshaan saraakiisha dowladda Itoobiya, wakiillada ururada samafalka iyo saaxiibada diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wax faallo ah ka bixin markii wax laga waydiiyay tegitaanka Satterfield. Wararka ku saabsan iscasilaadda Satterfield oo markii ugu horeysay aysoo werisay majaladda Foreign Policy ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dhibaatooyin badan ka dhaceen gobolka.

Colaad in ka badan hal sano ka socotay dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Isbedellada joogtada ah ee maamulka Biden ku sameynayo ergeyga u qaabilsan Geeska Afrika ayaa laga dareemi karaa sida ay uga go’an tahay Mareykanka in uu la tacaalo qalalaasaha siyaasadeed ee geeska iyo meelaha kale ee ka baxsan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM