Falaagadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo "afduubtay" markab

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Isbaheysiga Sacuudiga horkacayo ee dagaalka kawada Yemen ayaa sheegay in falaagada Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta ay Badda Cas ka qafaasheen markab.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa afhayeenka isbaheysiga kasoo xigatay in markabka la afduubtay xili safrinayey shidaal ka yimid Kuuriyada Koonfureed.

Korneyl Turki al-Malki ayaa tibaaxay in "weerarka" ka dhanka ah markabka uu khatar ku yahay marinka Baab al-Mandeb.

"Afduubka markabka waxaa geystay burcad hubeysan oo gacansaar la leh falaagadda Xuutiyiinta," ayuu al-Maliki tibaaxay.

Ma uusan shaaca ka qaadin dalka iska leh markabka ama hadii ay jiraan shaqaalo la socday kuwaas oo u gacan-galay Xuutiyiinta.

Sidda ay wararku sheegayaan, markabka ayaa wuxuu ku safrayey calanka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Xuutiyiinta waddanka Yemen ayaa dhowr jeer waxay horey weeraro ugu ekeeyeen ceelasha shidaalka ee ugu muhiimsan dalka Sacuudiga, taasoo sarre u qaadey qiimaha Saliida ee caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Iran waxay dib uga bilaabi kartaa barnaamijka nukliyeerka meelo cusub

Dowladda Iran ayaa marar badan sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid ujeedkiisu yahay nabad.

  • Caalamka

    05-07-2025

  • 08:01AM

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM