Falastiin oo ganafka ku dhufatay xil ay ka qaban lahayd Jaamacada Carabta

Image

RAMALLAH, Falastiin – Falastiyiinta ayaa gaashaanka u daruuray in lixda bilood ee soo aadan ay shir-gudoomiyaan shirarka Ururka Jaamacada Carabta, talaabo ay ku muujiyaan carooradooda caadiyeynta xiriirka Israa'iil.

Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Yahuuda ayaa dhowaan qalinka ku duugay heshiis ay boorka uga jafayaan cilaaqaadka ka dhaxeeya.

Riyad al-Maliki, wasiirka arrimaha dibada Falastiin oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Ramallah, ayaa ku eedeeyay xogheynta Arab League in ay la safteen talaabada dalalkaas Carbeed.

"Go'aanka ay xogheynta Jaamacada Carabta ku taageertay mowqifka Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn kaasoo ay ku caadiyeen xiriirkooda Israa'iil wuxuu xadgudub ku yahay Hindisaha Nabada Carabta," ayuu tilmaamay.

Xilli uusan carabaabid ka fogaadey, Al-Maliki ayaa ku daray "dalal Carbeed oo saameyn leh ayaa diidey in ay cambaareeyaan xadgudubka".

Al-Maliki, sikastay ahaato, wuxuu ku nuux-nuux saday in Falastiin aysan marnaba baneyn-doonin xubinimadeeda Ururka Jaamacada Carabta.

Sagaalkii bishaan September, ururkaan wuxuu ku guuldareystay in uu soo saaro qaraar ay ku dhaleeceynayaan talaabada ay Abu Dhabi iyo Manama ku caadiyeeyeen xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuuda.

Isla bishaan September, 15-keeda, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa saxiixay heshiiskaas uu maalgeliyey Mareykanka si ay cilaaqaad diblumaasiyadeed la yeesheen Israa'iil iyaddoo ay qaylo-dhaanta sii xoogeysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM