FAO oo $138 milyan u dalabtay abaaraha geeska Afrika

Image
Saadaasha ayaa tilmaameysa in ilaa 25.3 milyan oo qof ay wajihi doonaan "cunto yari aad u daran" bartamaha sanadka.

NAIROBI, Kenya – In ka badan 138 milyan oo dollar ayaa loo baahan yahay si wax loogu qabto bulshada reer miyiga ah ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Geeska Afrika  sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) oo ka hadashay baahiyaha ka jira gobolka.

Roobabka oo yaraa Sadexdii sano ee la soo dhaafay ayaa khatar weyn ku ah helista cuntada ee waddammada horeba u wajahay xaddidnaanta kheyraadka dabiiciga ah iyo iskahorimaadyada, faafitaanka COVID-19, iyo duullaannada ayax inta lagu jiro 2020-21.

FAO ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in masiibo gaajo oo baaxad leh ay ka dhalato haddii bulshada reer miyiga ah ee cuntada soo saarta aysan helin gargaar ku filan xilliyada beeraha ee soo socda.

Inta ugu badan ee maalgelinta hoos timaada Qorshaha Wax ka qabashada Abaaraha Geeska Afrika ee FAO, $130 milyan, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay dhammaadka bisha Febraayo, si loo bixiyo gargaar muhiimka ah bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool saddexda waddan ee ay sida weyn u saamaysay: Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Saadaasha ayaa tilmaameysa in ilaa 25.3 milyan oo qof ay wajihi doonaan "cunto yari aad u daran" bartamaha sanadka.

Haddii ay dhacdo xaaladdu, FAO waxay sheegtay in ay Geeska Afrika ka dhigi doonto mid ka mid ah dhibaatooyinka cuntada ee ugu weyn adduunka.

Qorshaha FAO wuxuu bartilmaameedsanayaa 1.5 milyan oo ka mid ah dadka halista ugu jira miyiga ee Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Qoysaska xoolo-dhaqatada ah, taageeradooda waxaa ka mid ah in la siiyo quudinta xoolaha iyo sidoo kale rugaha caafimaadka xoolaha ee wareega, si ay xoolahoodu caafimaad qabaan oo ay caanaha u soo saaraan; in biyaha loo dhaamiyo 10,000 litir oo kayd biyood ah iyo hagaajinta ceelasha jira si ay ugu shaqeeyaan tamarta cadceedda.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ujeedadeedu tahay in ay diyaariso ka hor beerista adeegyada beer-falashada iyo helitaanka waraabka, iyo sidoo kale tababarro ku saabsan hab-dhaqanka wanaagsan ee beeraha.

Soomaaliya, qorshaha FAO waxa uu ku baaqayaa in la helo doonyo, qalab iyo tababaro lagu caawinayo bulshooyinka xeebaha ku nool ee aan sida caadiga ah kaluumaysan, si loo helo il cusub oo nafaqo oo baahi weyn loo qabo.

FAO waxay sheegtay in haddii si buuxda loo maalgeliyo, qorshahaan ogolaanayo in la soo saaro ilaa 90 milyan oo litir oo caano ah iyo ilaa 40,000 oo tan oo dalagyo cunto ah qaybta ugu horreysa ee 2022, taasoo dhigaysa in mudo lix bil ah ay ku helaan cuntooyinka aas aasiga  u ah nolosha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM