Faransiiska oo ciidamadiisa kala baxaya galbeedka Afrika
PARIS, France – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Afrika ku soo dhoweeyay Paris ka hor inta aan la shaacinin in Faransiiska uu ciidamadiisa kala baxayo Mali ka dib ku dhawaad 10 sano oo uu la dagaalamayey fallaagada jihaad doonka ah.
Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AFP in Macron uu ku dhawaaqi doono in ciidamada Faransiiska ay ka baxayaan Mali ayna dib u howlgelin doonaan meelo kale oo ka tirsan gobolka Saaxil, ka dib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya ciidamada talada haya.
Macron ayaa u safri doona Brussels maanta oo Khamiista halkaas oo uu ka dhici doono shir-madaxeedka Midowga Yurub iyo Afrika oo laba maalmood qaadanaya.
Laakiin madaxtooyada Faransiiska ayaa ku dhawaaqday inuu qaban doono shir jaraa'id oo 08:00 GMT oo ku saabsan "ka-qaybgalka Faransiiska ee Saaxil", halkaas oo ay u badan tahay inuu ku dhawaaqo rasmi ah.
Faransiisa ayaa Hawlgalka Mali kala kulmay guuldareeyin badan. 53 ka mid ah askarta lagu dilay howlgalkooda Barkhane ee galbeedka Afrika, 48 ka mid ah waxay ku dhinteen Mali.
Faransiiska ayaa markii hore ciidamo ka dhan ah mujaahidiinta u daabulay dalka Maali sanadkii 2013-kii balse kacdoonka ayaan waligiis si buuxda loo damin, waxaana hadda soo baxday cabsi hor leh oo laga qabo jihaad doonka ah oo ku wajahan gacanka Guinea.
Hawlgalka Mali ee ciidamada Yurub ee loo yaqaan Takuba -- mashruuc uu wado Macron si loo faafiyo culeyska amniga ee gobolka dhibaataysan -- ayaa sidoo kale la soo afjari doonaa, ilo-wareedyada ayaa sheegay.
Ku dhawaaqista la filayo ee ka bixitaanka ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Macron uu wajahayo culaysyo badan, maalmo yar ka hor ku dhawaaqis la wada sugayey in ay ka soo baxdo madaxweynaha oo isu soo taagi doono muddo xileed cusub bisha April.
Waxa ay sidoo kale ku soo beegmaysaa iyadoo Macron uu doonayo inuu kaalin hoggaamineed ka qaato diblomaasiyadda caalamiga ah isagoo Ruushka ku cadaadinaya inuu dejiyo xiisadda ka taagan Ukraine.
Macron ayaa la kulmi doona hoggaamiyeyaasha xulafada muhiimka ah ee Faransiiska ee gobolka Saaxil - Chad, Mauritania iyo Niger. Saraakiisha Mali iyo Burkina Faso oo iyaguna dhawaan afgambi ka dhacay ayaan lagu casuumin.
Madax kale oo Afrikaan ah ayaa sidoo kale goobjoog ka noqon doona oo ay weheliyaan Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel iyo madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen, iyo ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi.
GAROWE ONLINE