Faransiiska oo kordhiyey beegsiga Masaajida Muslimiinta

Image
Xukuumadda Paris ayaa qiil ka dhiganaysa in ay la dagaalamayso wax ay ugu yeertey "gooni-u-goosashada Muslimiinta".

PARIS, France - Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu xirayo masaajid kale, isagoo ku eedeeyay imaamka in la xagjireeyay, sida ay sheegtay warbaahinta Arbacadii.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bilowday howsha lagu xirayo Masjidka Obernai ee ku yaalla nawaaxiga Bas-Rhin, sida ay sheegeen TV-yada Faransiiska ee BFM TV iyo Le Figaro.

Wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 23 “goobo cibaadada gooni u goosad ah” la xiray labadii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu intaa ku daray in xiritaankan uu yimid ka dib markii uu madaxweynaha ka codsaday in lala dagaalamo "Gooni-u-satada Islaamka."

Wasaaraddu waxay ku eedaysay imaamka Masjidka Obernai inuu fuliyay hawlo wacdi ah oo xagjir ah, isagoo u qaatay dabeecad cadaawad ah oo ku wajahan bulshada Faransiiska iyo samaynta faallooyin kicin ah oo ka dhan ah qiyamka jamhuuriyadda.

Mas'uuliyiinta Paris ayaa waxay dhaleeceyn kala kulmeen beesha caalamka, hay’adaha aan dowliga ahayn iyo hay’adaha xuquuqul insaanka, gaar ahaan UN-ka, sababtoo ah waxa ay beegsadaan oo ay takooraan dadka muslimiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM