Faransiiska: Xijaabka oo laga mamnuucay tartamada Isboortiga

Image

PARIS, France - Aqalka Senate-ka Faransiiska ayaa u codeeyay in la mamnuuco xirashada xijaabka ee tartamada ciyaaraha, iyagoo ku dooday in dhex-dhexaadnimadu ay tahay shardi looga baahan yahay ciyaaraha.

Senate-ka ayaa goor dambe oo Salaasadii ah u codeeyay in wax laga beddelo sharci la soo jeediyay oo dhigaya in xirashada "calaamadaha diineed ee muuqda ay mamnuuc tahay" inay ka qayb qaataan munaasabadaha iyo tartamada ay abaabulaan xiriirada isboortiga.

Marka loo eego macno ahaa, Senatarada ayaa si cad u sheegay in wax ka bedelka looga golleeyahay in la mamnuuco "xiridda indho-shareerka ee tartamada isboortiga".

Sharci-dejiyeyaasha ayaa waxa ay intaa ku dareen in xijaabku ay khatar gelin karaan badbaadada ciyaartooyda niqaabka xiran marka ay ku guda jiraan ciyaaraha kala duwan.

Wax ka bedelka, oo ay soo jeedisay kooxda garabka midig ee Les Republicains kana soo horjeedaan dowladda Faransiiska, ayaa lagu ansixiyay 160 cod halka 143 ay ka soo horjeesteen.

Guddi ka kooban xubno ka kala socda Guurtida iyo Aqalka Hoose ayaa la sameynayaa si ay uga heshiiyaan wax ka bedelka ka hor inta aan la daabicin, taas oo macnaheedu yahay in wax ka beddelka weli la tirtiri karo.

Ma cadda in mamnuucistaasi lagu dhaqan gelin doono ciyaaraha Olombikada Paris ee 2024-ka. Guddiga qabanqaabada Olombikada ayaan wali ka jawaabin codsi ku saabsanaa in ay mowqifkoodda caddeeyaan.

Faransiiska oo ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan qaaradda Yurub ayaa haddana waxaa si joogta ah loogu beegsadaa Muslimiinta taasoo sarre u qaadey weeraradda ku saleysan diimaha iyo naceybka bulsho gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM